Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland oo waxbarasho ciidan ku dhammaystay Itoobiya
November 14, 2026 - Written by maamule

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa ka qalin-jebiyey Kulliyadda Abaanduulka iyo Saraakiisha Sare ee Ciidamada Difaaca Itoobiya, kaddib markii ay halkaas wax kula barteen saraakiil ka socday Itoobiya iyo dalal kale oo Afrikaan ah.

Munaasibadda qalin-jebinta oo ka dhacday Addis Ababa ayaa waxa ka qaybgalay Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan, oo safar shaqo ku jooga Itoobiya, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka taliska.

Taliyaha ayaa saraakiisha ku hambalyeeyey dhammaystirka waxbarashadooda, kuna dhiirrigeliyey inay aqoonta ay korodhsadeen uga faaโ€™iideeyaan ciidanka. Waxa kale oo uu dawladda Itoobiya uga mahadceliyey iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo tababarka ciidamada.

COMMENTS