Madaxweyne Cirro oo dalka ku soo laabtay kaddib safar uu ku tagay Imaaraadka
November 26, 2026 - Written by maamule

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib safar uu ku tagay Isutagga Imaaraadka Carabta. Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in safarku qayb ka ahaa dadaallada xukuumaddu ku xoojinayso xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dhinac.

Afhayeenka Madaxweynaha, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa safarka ku tilmaamay mid guul ku soo dhammaaday. Wuxuu sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadku sannadba sannadka ka dambeeya sii xoogaysanayo, isla markaana iskaashigoodu taabanayo maalgashiga, ganacsiga, amniga, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

COMMENTS