Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay inay ka baxeen wada hadalkii ay kula jireen xukumada Somaliland, isagoo ku eedeeyay in fara gelin iyo kala qeybin ku hayaan dadka reer Khaatumo sida u hadalka u dhigay.
Dr. Cali Khaliif ayaa sheegay in uusan diyaar u aheyn inuu ku biiro Somaliland, waxaana uu beeniyay warar soo baxayay oo sheegayay inuu ka mid noqonayo Xukumada somaliland.
“War aniga meeshaas waxba kama rabo, waxba kama noqonayo, nimankaas fara gelin bey nagu hayaan, siyaasiyiinteena, odayaasheena iyo dadkeena ayay kala qeybinayaan”ayuu yidhiDr. Cali Khaliif.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu iska diiday inuu ka qeyb galo shirka ka socdo magalada Burco oo uu ku tilmaamay mid lagu kala qeybinayo beesha Dhulbahante ee degta Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn sida uu yidhi.
Wada hadalo u dhaxeeyay Somaliland iyo Khaatumo ayaa dhowaan bilowday, waxaana wada hadaladan looga gol lahaa, sidii meesha looga saari lahaa xiisadaha soo noq-noqday ee labada dhinac u dhaxeeya iyo in dadka ku nool gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen.
Sikasta ay ahaataba hadalkan cali khaliif ayaa imanya xili ay dhawaan bilawdeen wada hadalada u dhexeya somaliland iyo maamulka khaatumo.