Hogaamiyaha Mucaaradka Koonfurta Sudan Oo Lagu Arkay Waddanka Congo.
August 19, 2016 - Written by

Juba(GLN)_Hogaamiyaha Mucaaradka  Koonfurta Sudan Riek Machar Oo Lagu Arkay Waddanka Congo.

Wararka ka imanaya Dalka Jamhuriyada  Dimuqraadiga  Conngo ayaa sheegaya in  Toddobaadyadii  ugu danbeyay lagu arkay Hogaamiyaha Mucaaradka Koonfurta sudan Riek machar,ka dib dagaalo ka dhacay casimada Koonfurta Sudan.

Ciidamada  Nabad ilaalinta Qaramada midoobayd ee ku sugan  dalka  congo ayaa sheegay in ay ogaaden Hogaamiyaha mucaaradka ah  ee Riek march  inu ku sugan yahay waddankaasi  ayna ku wargeliyeen xukumada congo sida u sheegay Afhayeen u Hadlay Qaramada Midoobayd oo ku sugan magalada New York.

“Riek Machar waxaa lagu wareejiyay dowlada Congo,mana sheegi karno halka saxda ah ee uu ku sugan yahay,”ayuu  Haq sii raaciyay.

Hase yeeshee afhayeen u hadlay dowlada DRC Lambert Mende ayaa beeniyay in ay wax xidhiidh ah kala sameeyeen madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koofurta Sudan balse Haq ayaa  sheegay in Riek Machar laga soo kaxeeyay meel ku dhow xadka dalka Koonfurta Sudan.

“Waxaan idiin xaqiijinaynaa in howlgal ay sameeyeen ciidamada Qaramada Midoobay ee dalka DRC MONUSCO (U.N. mission) ay si bani’aadanimo ah ay uga soo kaxeeyeen Riek Machar,xaaskiisa iyo toban ruux oo kale iyagoo kaalmo ka helaya dowlada DRC,”ayuu Haq yidhi.

War ka soo baxay ururka uu hogaamiyo  Riek Machar ee (SPLA-IO) ayaa lagu sheegay in uu Arbacadii ku sugana  hogaamiyahooda dal ammaan ah oo deris la ah wadanka Koonfurta Sudan sida ay hadalka u dhigeen.

Afhayeenka mucaaradka James Gatdek Dak ayaa ku soo qoray bogiisa Facebook in uu lug ka dhaawacan yahay hogaamiyaha mucaaradka dhaawacaasina yahay mid fudud kaasoo ka dhashay socod uu maalmo lugeynayay.

Kadib dagaal ka dhex qarxay taageerayaasha Madaxweynaha dalka Koofur Sudan iyo mucaaradkiisa ayaa waxa uu ku dhowaaqay madaxweyne Kiir inuu shaqadii ka eryay  Riek Machar uuna u dhaariyay xilka ku xigeenka Madaxweynaha Taban Deng Gai, oo hore ugaga mid ahaa ururka mucaaradka ee uu hogaamiyo Machar.

sikasta ay ahaataba bilihi ugu danbeyay Hogaamiyaha dalka koonfurta sudan Riek machar ayaa aha dabad wareeg  ka dhib dagaalo ba,aan oo ka dhex dhacay isaga iyo madaxwaynaha waddankaasi.

Abdihakin Mohamed Hassan Qibro

www.Gacanlibaaxnews.com

Hargeysa/Office

COMMENTS