Xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka Oo Booqasho kuTaagaya Kenya.
August 19, 2016 - Written by

Nairobi(GLN)_

Xoghayaha arrimaha dibada Dalka  Maraykanka  John Kerry Oo Booqasho kuTaagaya  Casimada Dalka Kenya Ee Nairobi.

Xoghayaha arrimaha dibada dowlada Maraykanka John Kerry ayaa toddobaadka soo socda booqasho ku imanaya dalka Kenya si uu ugala hadlo siyaasiyiinta dalka Soomaaliya doorashada dhacaysa  dhowaan Wadankaasi somaliya.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka John Kirby ayaa sheegay in John Kerry xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka uu sidoo kale booqan doono dalalka Nigeria iyo Sacudi Carabiya.

John Kerry ayaa laga yaabaa in uu kula kulmo qaar ka mid ah madaxda dalka Soomaaliya magaalada Nairobi ayna ka wadahadlaan qaabka doorashada dalka iyo sidii looga dhabayn lahaa qorshaha doorashada dadban ee dhowaan lagu heshiiyay.

Dowlada Maraykanka ayaa soo dhoweysay doorashada ka dhacaysa  Soomaaliya iyo sida loo qorsheeyayba, waxaana dhowaan magaalada Muqdisho soo gaaray danjirihii ugu horeeyay ee Maraykan ah tan iyo burburkii dowladii hore ee Soomaaliya kaasoo warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay madaxda Soomaaliya.

Dowlada Maraykanka ayaa ka caawisa xukumada  Soomaaliya dagaalada ay kula jirto  kooxda Alshabaab waxaana dalka Soomaaliya jooga ciidamo Maraykan ah kuwaasoo lagu tilmaamo inay yihiin la taliyayaal xaga ciidamada ah.

 

Abdihakin Mohamed Hassan Qibro
www.Gacanlibaaxnews.com
Hargeysa/Office

COMMENTS