Garabka Jamaal cali Xuseen Oo Soo Magacaabay Shanta Xubnood Ee Ku Metalaya Qaban-qaabada Shirweynaha UCID
October 4, 2016 - Written by

Hargeysa(GLN)_Garabka uu hogaamiye musharax Jamaal Cali Xussen ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa waxaa ay markii labaad soo xuleen isa markaana ay soo gudbiyeen shanta xubnood ee uga qeyb gali doonta garabkooda gudida qaban qaabada shirweynaha caadiga aan aheyn ee xisbigaasi qabsano doono dhawaan

Waxaana shantaasi xubnood ka mid ah .

1.Aadan Sul. Cabdiraxmaan Sul. Diiriye

2.Xussen Caynaan Faraax

3.Xussen Xassan Badmaax

4.Aadan Cali Yoonis

5.Cali Maxamed Xassan

Dhawaan ayey aheyd markii maxkamada sare go,aamo ka soo saartey khilaafka xisbiga UCID isla markaasi qodobadaasi uu ku jiray qodob sheegaayey in xisbiga UCID qabsado shirweyne aan caadi aheyn oo lagu ansixin doono heshiisyadii xisbigu la galay Jamaal Cali Xussen

tmp_17022-g689991755

COMMENTS