Xisbiga Mucaaridka ah Ee Waddani Oo Ku Jira Soo Dhawaynta Siyaasiyiin Miisaan Culus ku Leh Saaxadda Siyaasadda Somaliland.
October 5, 2016 - Written by

Xisbiga Mucaaridka ah Ee Waddani Oo Ku Jira Soo Dhawaynta Siyaasiyiin Miisaan Culus ku Leh Saaxadda Siyaasadda Somaliland.

Hargeysa(GLN)_Waxa magaalada Hargeysa ee casimada somaliland si weyn loogga dareemayaa qaban-qaabada xaflad soo dhaweyn ah oo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI uu ku qaabilaayo ruug caddaayo siyaasaddeed oo in badan ka soo talinayey saaxadda siyaasadda Somaliland ku waasi oo la filaayo in maalinta Sabtida ee soo socota ay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI.

Siyaasiyiintan iyo taageerayaashan oo aad u tira badan, ayaa waxa hor kacaaya siyaasiga ruug caddaaga ah ee Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), wasiirkii hore ee Qorsheynta Xukuumaddii Daahir Raโ€™yaale Siyaasi Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare), Wasiirkii hore ee Xannaanada Xoolaha Xukuumaddii UDUB Siyaasi Aadan Dhoolla-yare,ย  Maxamed Baaruud Cali ,Eng: Yuusuf Gaydh, Cismaan Aadan, Prof: Rashiid Aadan iyo Cabdiraxmaan Jaamac Taarwale, ku waasi oo u soo tafaxaytay siddii ay tallo, taakuleyn iyo cod ba ugu tiirin lahaayeen Xisbiga WADDANI si loogga midho dhalliyo isbedel dhabba oo ka tisqaada guud ahaan Somaliland.

Siyaasiyiintan, ayaa ahaa kuwo muddooyinkii dambe aan si aada uga muuqanin saaxaadda siyaasadda Somaliland balse sida ay sheegeen dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda, ayaa sheegaya in guusha tartanka u dhaxeeya Xisbiyada Somaliland ay wax weyn ka geysan karaan , waxaana ay saadaalinayaan in siyaasiyiintani ay yihiin kuwo Xisbiga WADDANI ku soo kordhinaaya Cod, Tallo iyo Taakuleyn dhaqaale oo is barkan, taas oon inta badan hore loogga wada helin siyaasiyiinta hada iyo jeer ku biira Xisbiyada Somaliland.

COMMENTS