Sababaha Keena Burburka Qoyska Iyo Cawaaqibka Ka Dhasha
October 5, 2016 - Written by

Soo Saaristii: Amplifying civil society voice on GBV coalition members in Somaliland 

Shaqaaqooyinka lamaanaha waxa lagu hadba sida ay wax u dhaceen iyo goobta uu ka dhacay, shaqaaqooyinka ka dhex dhaca qoysaskuna waa ka mid dhacdooyinka tacadi ee dhaca. Shaqaaqadan qoyska ka dhex dhacdaana waa dhibaato bulsho dhinac walaba taabata oo caafimaadka lamaanahu ka mid yahay. Warbixin WHO soo bandhigtay (Warqad Xaqiiqo No. 239 dibna loo habeeyey Janawari 2016) dhacdooyinka shaqaaqada lamaanaha waa arrin aduunka oo dhan ka dhacda oo lagu tilmaamo in 3diiba 1 ay la kulmaan shaqaaqooyinkaas. Hadaba Bururka qoysaska ayaa ka mid ah dhibaatooyinka bulshada Somaliland ka dhex jira ee mar kasta taagan. Qoysku waxa uu burburaa marka uu yimaado tacdi si joogto ah uga dhex dhaca qoyska dhexdiisa ka dibna keena furriin u dhammeeya sii jiritaanka nolosha lammaanaha qoyska oo ay ugu daran yihiin kuwa ubadka isku leh. Marka aad u dhabbo-gasho sababaha gundhigga u ah burburka qoysaska waxa laguu sheegayaa inay ugu  weyn yihiin dhawr  qodob oo ay ka mid yihiin:

1.    Dayacaad ka imanaysa masuuliyadda qoyska oo Aabbuhu uu xuddun u yahay oo ay ugu muhiimsan tahay dhaqaalaha qoyska  ee nolol maalmeedka.

2.    Gacan ka hadal joogto ah oo ay hooyadu u dulqaadan weydo

3.    Dhalinyarada da’doodu yar yar tahay ee isguursada oo ay ku adkaato gudashada masuuliyadda qoysku,

4.    Fara-gelin qoysaska qaar kaga timaada dibadda sida ehelka iyo asxaabta, isticmaalka daroogooyinka iyo arrimo kale.

Haddii la raadiyo tirada qoysaska isfuraya oo ah salka burburka qoyska, way adkaanaysaa in la helo tiro sugan. Tusaale ahaan mar aanu la xidhiidhnay maxkamadda degmada Hargeysa qaybta la xidhiidha dacawadaha qoysaska waxa na loo sheegay in aan tirakoob sugan laga heli karin tirada qoysaska isfura.  Waxa iyaguna jira xafiisyo shareecada Islaamka ku shaqeeya oo khilaafaadka qoysaska ka shaqeeya, isla markaana kala fura qoysaskii xal kale loo waayo ee codsada in la kala furo. Waxa xafiisyadaa ka mid ah Tawfiiq oo ku yaalla magaalada Hargeysa. Mar aanu wax ka waydiinnay tirada qoysaska isfura waxay noo sheegeen in celcelis ahaan bishii ay isfuraan 20 qoys. Waxaana ay tusaale noogu soo qaateen dhammaadkii sannadkii hore gaar ahaan bilihii sagaalaad iyo tobnaad inay is fureen  43 qoys oo kala noqonaya (Sagaalaad 18 qoys iyo Tobnaad 25 qoys oo isfuray),Hargeysa oo keliya.

Dad aqoon iyo khibrad u leh arrimaha khilaafka ee qyska dhexdeeda oo annu wax ka waydii waxay noo sheegeen in deegaannada kala duwan ee Somaliland sannadihii u dambeeyey au jireen dhacyoodin naxdin leh. Waxa dhacda in nin gabadhiisii dilo ama gabadh ninkeedi disho. Dilkuna wuxuu astaan u yahay heerka  ugu xun ee khilaafka ka dhexeeya lammaane isqaba, iyadoo natiijaduno noqotay qudhgooyo. Waxa xilli kasta la arkaa nin gabadhiisii u gacan-qaaday oo dhaawacyo gaadhsiiyey. Waxa kale oo la arkaa gabadh ninka qaba ka cabanaysa oo leh: “Ninkaa yaan la igu celin wuu i dilayaaye.” Marka ay gabadhi ninkeeda ka duddo dhaqan ahaan Soomaalida waa la celiyaa, waxaana cabashadani dhacdaa marka gabadhu cabbirayso heerka khilaafka ee ka dhex jira iyada iyo ninkeeda.

Marka aynu u nimaadno khasaaraha ka dhasha burburka qoyska ayaa taabta dhinacyo kala duwan. Dhibaato laxaad leh ayaa inta badan la wariyaa in ay carruurta la soo deristo. Marar badan waxa la arkaa qoysas isfuraya oo carruur isu leh. Carruurtaas oo kuwo badan oo ka mid ah masuuliyaddoodu dayacanto.

Waxa dhacda in carruur badani derbi-jiif noqoto, oo nolosha adag ee dibadda u ban-baxaan iyagoo fara-xumayn iyo handadaad ba la kulma. In qaar ay cuqdad ka qaadaan qoyskooda burburay oo dhibaato naftooda ay soo gaadhsiiyaan sida inay tahriibaan ama waxyeello ay isgaadhsiiyaan. “

Waxa arrintan markhaatigeeda furaya will yar oo aanu kula kulannay xarunta dhaqancelinta derb ijiifka ee Hargeysa oo inta aabbihii iyo hooyadii isfureen noqday derbi-jiif. Waxa sheegay inuu nolol adag soo maray oo gidaaradda seexan jiray isla markaana uu dhib iyo daranyo ba uu la soo kulmay. Wuxuu talosiinayaa waalidiinta isfuraya: “Haddii uu qoyskayagii jiri lahaa waxa aan noqon lahaa qof jira oo qayrkii la tartama, oo iskuul hela, garoomada ciyaaraha qeyrkii kula ciyaara sida kuwa reerku wada jiraan. Qoyskayaguna wuxuu noqon lahaa qoys jira oo fiican.” Waxa uu ku taliyey wiilkaas yari “ Anigu waxa aan odhan lahaa labadii isqabaa haddii ay khalad yar isku qabtaan yaanay kala tegin. Haddii ay kala tagaan ubadka ay dhaleen ayaa meesha ka baxaya. Sida aan anigu imminka ahay oo kale ayay noqonayaan. Waxa kale oo aan odhanaya ha kala tegina ee nolosha isla sii wadaaga.”  Kaasi waxa uu yahay fikirka wiil yar oo kala tagii aabihii iyo hooyadii saamayn taban ku yeeshee noloshiisa.

Hadaba waxa loo baahan yahay in si qoto dheer loogu kuur galo dhibta qoysaska dhexdiisa ka jirta ee sababta dhawaacyo jidheed, mid nafeed, ku tacdi nolosha iyo tarbiyada ubadka iyo furiinka sii badanaya oo saameyn gaara ku yeesha Hooyada iyo Ubadka oo had iyo jeer labada isku soo hadha markuu qoys burburo.

 Soo Saaristii: Amplifying civil society voice on GBV coalition members in Somaliland 

 14572057_1182929311781818_1895222917_o

 

 

COMMENTS