COL MUUSE OO AQBALAY BOOLI QARAN $ 50,000 LAGANA DHACAY DAWLADDAHA HOOSE EE HARGEISA & BERBERA.
October 7, 2016 - Written by
Mayor Solteco & Mayor Ciddin ayaa  qirtay  inay ololoha doorashada  Col. Muuse  Biixi ku taageereen  lacag dhan $ 50,000 , Solteco $ 30,000, Ciddin  $ 20,000.  Waxa labadaas nin  kasii liita   ninka   aqablays Booligaa  ee jeebka ku shubtay. Waa caadadii ee ceebtii maaha. Hore  ayuu u boobay dhul &  beero ay dad jelecsani leeyaheen.  Quruumaha ilbaxa  “ civilised societies” waa ka mamnuuc ah inuu Masoo’l   xil qaran  haya  bixiyo deeq  lacagaeed “ political contribution “   ka badan $ 30 Sodoon dollar, waana inuu ku muujiya xiraynta dakhliga “ Income tax” si loo ogaado halka ay  lacagtu kasoo gashay.  Waxa intaaba kasii diiran,  kamuu hadal  Eng Mohamed Xaashi Cilmi oo had iyo jeer musuq-maasuq & tuugo ku eedeeya  dadka xilalka haya ee  ka baxsan xayndaabka xaafadeesa sida Madaxwayne Siilaanyo, Madaxwayne Riyaale , Amb  Cawil iyo qaar kale oo badan. Hadaba, danyarta  Somaliland  waxay maanta arkaan  in   ninka ka xishoon waayay  $ 50,000  oo laga soo xaday qasnadaha   Dawladdaha   Hoose ,  in haddii uu Madaxwayne noqdo,  xalaashan doono   hantida ummadda ee  ku dhacda qasnadda Dawlada dhexe “ Central Government” . AHN, wuxuu yidhi Xaaji Adan Afqalooc :
Tallaabada mid Gaalkii shabbaha tegey malliibaane,
Adiga oo waxuun tabanayoo tegey halkuu joogo,
Markuu sida libaax raqi u taal qoorta kor u taago,
Oo uu Tayga luquntiisa sudhan taabto faraqiisa,
Oo inaad Addoonkiisa tahay taasna la ahaatay,
Oo aan dadkana wax u tarayn callanna tageerin,
Oo inuu adduun badan tabcado taa qudha u jeeda ,
Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye,
Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego.
Qalinka Drs Hoodo Yusuf, London, UK.

COMMENTS