Ninkii Warankiisu ku weecday
August 11, 2016 - Written by maamule
Haddii ay dhibi dhacayso nooc ay tahayba waxa ugu horeeya ee aad ka fikirtaa waa in aad adigu noqoto ka koobaad ee badbaadaya , dhibtaasi ha ahaato mid aad sababtay adigu amaba meel kale haka timaadee , taasina waa calaamad muujinaysa rabitaanka xoogan ee aadmigu u qabo sii joogtaynta inuu noolaado.
Qofku way ku adagtahay inuu geeri isku dhiibo inta itaalkiisa ah waxa uu ku dedaalaa inuu ka bad-baado tab iyo xeeshiiba , balse waxa markasta ka badiya qadarta alle , siyaabaha ugu waaweyn ee geerida sababa way inoo qoran yihiin oo waynu qaybsanahay , inaga oo magacyo ula baxnay midkasta waxaynu ku calaamadsanaa waxa itaalkeena ah ee aynu kula tacaalayno.
Waxaynu ugu necebahay marka laga hadlaayo qof dhintay ka isagu is dila , oo xataa uma ducayno sida badan inaga oo ku eedaynayna nafta miskiinta ah ee tii alle uga sii horeeyey .
Waxaan aqaan qof is dilay kollay adiguna waad ila garanaysaa qofkaas macagiisa iyo meesha uu joogabee ,waxa uu isku dilay hubka aad taqaano ka ugu xun ee ugu naxdinta iyo naxariista daran , Waran ayaan anigu garanayaaye kaasi ayaan ugu tusaalaystay, waliba hal mar haddii ay naftu ka baxdo wacnaan lahaydaa , maalmo ayuu nolol adag ku sii noolaa maalinkastana isaga ayaa halkii Waranka uu kaga mudnaa , mid kale oo ka sii af badan iskaga sii taaga , wuu damqanayaa balse daciifnimo xagiisa ah ma awoodo inuu iska daayo amaba uu cid kale ka codsado in warmahan tirada batay laga guro, naftiisana cafis weydiisto .
Waxbaan kaa ilaabaye waramahan markii hore waxa uu u soo urursaday inuu hebel/heblaayo kale oo iyagu adkaysan kari lahaa uu ku tuuro , inta soo gaadhay isagana ay iyagu la dhibanaadaan .balse amarka alle warankii uu tuuraaba meel ka khatarsan halkii uu kala rabay cidda uu ku ganaayo ayuu isaga kaga dhacaa
Qofkaasi wali wuu noolyahay waanu sii noolaanayaa ayaamahan soo socda , balse wax naf leh lama noola , hana ka cabsoonin hadaad aragto ninka warmaha badan haysta , oo warmaha badankoodu isaga ayey ku taagan yihiin inta hadhayna isaga ayaa isku ambo bixinaaya oo waa intii uu kaga guuri lahaa nolosha duunyo .
Ninkaasi waa qofka xaasidka ah ee diidan waxaad haysato adigu .
Omar Serbiya
omarserbia1@hotmail.com
COMMENTS
|
-
Yaa daaha dabadiisa ka murmaya? Qore: Dr-Abdulqani Hussein Beder
Maqaalkani waxa uu jihaynayaa hab dhaqanka waalidka ee fahamka ilmihiisa iyo fahamka macallinka ee ...
Thursday, October 23, 2025
-
“๐๐ช๐จ๐จ๐ง ๐๐’๐๐๐ง๐ข ๐๐๐ ๐๐๐ญ๐ข๐ข๐ง ๐๐’๐๐๐ง” ๐๐๐ก๐๐ฃ๐ ๐๐: ๐๐๐ญ๐๐ข๐๐ ๐๐ช๐ช๐จ๐ช๐ ๐ฝ๐๐๐๐๐๐๐ ๐ฝ๐๐๐๐.
"๐๐ช๐จ๐จ๐ง ๐๐'๐๐๐ง๐ข ๐๐๐ ๐๐๐ญ๐ข๐ข๐ง ๐๐'๐...
Thursday, October 9, 2025
-
Deeqsigii Degmada Xaaxi ee Hashii keliya ee uu lahaa u qalay Wasiirrada Somaliland!
Tuulada Xaaxi oo hoos tagta Gobolka Daad-madheedh ee Ood-weyne ayaa dadka halkaas ku nool oo ah dad...
Monday, November 9, 2020
-
Doorka Goleyaasha Deegaanka ee Abuurista Adeeg Bulsho oo Hufan. WQ: Axmed Nuur Muuse
Hordhac:
Jamhuuriyadda Somaliland (JSL) waa dalka qudha ee ku yaalla Geeska Afrika ee ay doorash...
Friday, November 6, 2020
-
WAHSIGA. WQ: Ciise Maxamuud Geelle (Ciise Waddani)
Anas Ibnu Malik Waxa uu Nabiga kasoo maqlay s.c.w ducadan:- "Allow waxan kaa magan galay walwalka/w...
Sunday, November 1, 2020
-
Maxaa Ka Khaldan Injineerada Dhismaha Mise Qandaraasleyaasha Kham-khama? WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Markii iigu horaysay waxaan bookhday laba dhisme oo waaweyn oo dhawaan loo dhisay laba hayโ...
Monday, October 12, 2020
-
Cibaadada fekerka/fikirka. WQ: Ciise Waddani
โWaa kuwa ilaahay xusaya iyagoo taagan, iyagoo fadhiya, iyo iyagoo jiifa, kana fekeraya abuuridda...
Tuesday, July 21, 2020
-
Baryadda Alle. Qalinkii: Hal-abuur Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
โRabbigiin wuxu idin leeyahay I barya waan idinka aqbaliye, kuwa iska weyneynaya cibaadadeyda wax...
Monday, February 24, 2020
-
Mareykan iyo Iiraan: Laba Abeeso Oo dhiiggayga Jaqaayey, Maanta Ma Is Cunayaan? WQ: Dr. Abdulqani Hussein Badder
Labadii u heshiiyey burburinta muslimka sunniga ah, labadii
Ciraaq, dilay ee deldelay Saddaam Xusee...
Thursday, February 6, 2020
-
Fahanka Wakhtiga iyo fariinta waayaha. WQ: Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
Muddada jiritaanka jidhka basharka iyo nagaanshaha ruuxdu xilliga uu gaadho ayaa laba siyood u muuq...
Thursday, January 23, 2020
-
Guushu Waa Garashada Iyo Garowshiiyaha| Sicirbararka iyo Qiima dhaca Shilinka| WQ: Dr. Cabdiqani Beder
Sababta ugu weyn ee qiima dhaca shilinka Soomaaliland loo xakamayn kari laโyahay waa fahamka gurr...
Tuesday, January 14, 2020
-
Waxa uu goโaansaday in uu is dilo! WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen “Beder”
"Waxa aan ku daalay noloshii, ixtiraamna kuma haysto halkan, cid i daryeeshana ma haysto, sidaa awg...
Tuesday, January 14, 2020
-
Qorshaynta Mustaqbalka fog. WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen Muxammed (Beder)
Qofka Muslimka ahi waa qof aragti dheer oo ogaanshihiisu
ka tallowsan yahay waxa muuqda.
Culuumt...
Friday, December 20, 2019
-
Sidee loo dhisi karaa Somaliland la wada leeyahay? WQ: Mustafe Ismail Bulaale (Mustafe Dawlad)
โNinku yidhi sinaan mayno
adna buri sarayntiisa
sedka waad wadaagtaane
ma sagaashan baa ...
Friday, December 20, 2019
-
Hadallada Nacaybku Miyay Ka Mid Yihiin Xorriyadda Hadalka. WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Qodobka 32-aad ee dastuurka JSL wuxuu u dhigan yahay in Muwaadin kasta uu xor u yahay in uu rayigii...
Sunday, November 10, 2019
-
Xabag-Barsheed: Xiddiga Diiwaannada Laga Qoray Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. WQ: Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
Waxa 28kii Feb 2019ka gacantayda soo galay Diiwaanka Xabag-Barsheed: Miisaanka Maansada S...
Wednesday, April 10, 2019
-
Af Soomaaliga: Marxaladda Maanta Iyo Jiritaankiisa Mustaqbalka. WQ: Khaalid Bulshaawi
Marxalado kala duwan iyo dadaalo is Xigay oo muddo dheer
soo socday Ugu danbayn sanadkii 1972 kii a...
Thursday, February 14, 2019
-
Adiga Ayaan Kuu Shaqeeyaa! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Hadda
ayuu kasoo galay shaqo iyo shirar qaatay saacado dhawr ah, oo uu la galay qaar
ka mid ah Goli...
Thursday, February 14, 2019
-
Balaayo Loo Baahan Yahay! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Maalin wanaagsan, muddo kooban oo laba bilood ku siman 04-Dec โ 04- Feb ayaan halkan (Facebook) k...
Tuesday, February 5, 2019
-
Abwaan Dheeg iyo Buugga “Dhaxal Abwaan”. WQ: Faysal Jaamac
Weedho
ugu danbayn lahaa aan soo horreysiiyo: โTaariikh-suugaaneedka Abwaan Dheeg waa
daaqad ...
Sunday, January 13, 2019
-
Waa Maxay Dawladdi?
In
ka badan 3 boqol oo sanno kahor dhalashadii Ciise (cs) Philip II kalsoonaa buu
ku qabay qabs...
Sunday, January 13, 2019
-
Sirtu Waa Ku Qanacsanaanta Had ba Wixii Aad Haysato. By: Musa M. Isse
Si kasta oo dadyawga dunida ku nooli u kala duruufo duwan yihiin haddana waxa uu qof kastaa raadinay...
Tuesday, January 8, 2019
-
Xalka Lagu Furdaamin Karo Doorasho Somaliland Ka Dhacda March 2019. WQ:ย Musharax Axmed Maxโed Cisman Caalin
Tan iyo Aasaaskii qaranimada somaliland 1991 somaliland waxyaabaha lagu majiirto waxa kow ka ah naba...
Tuesday, November 6, 2018
-
Raadkii Saxaabada. WQ: DR. Jaamac Muuse Jaamac
Ma ay ahayn gef xilliga ah. Waxay ahayd 4.30kii. โKuwa Eebbe rumeeyayow, ooga salaadda, sidaasaa k...
Saturday, October 13, 2018
-
Is Kaa Wax U Qabsadii Ardayda Sheekh Bashiir Hargeysa. WQ: Maxamed Aadan Tarabbi
Waagii aan ku jiray Dugsiga Dhexe Ee Sheekh Bashiir Hargeysa waxaan Maamule Cawil iyo Khadra oo mark...
Monday, August 6, 2018
More Wararka
|