|
HOGAAMIYE XIRSI XAAJI CALI :XIGMADII QARNIGA “JEEGAANTII-RAINBOW” WAXAANU U BEDELNAY “GIRAAN-CIRCLE
October 10, 2016 - Written by
Waxaan u guuxay kelmad xikmad wayn ku fadhida oo kasoo yeedhay Hogaamiye Xirsi Xaaji Cali Xassan “ Jeegaantii maanu jebin ee waxaanu ku bedelnay giraan”Waa eray culus. Qofki garanayaa wuu garanayaa, qofkii kalena waan u sharxayaa. Jeegaantu “Rainbow” waxay lugaheeda kala dhigta laba jiho oo kala fog sida Bari iyo Galbeed . Dhulka u dhaxeeya way ka dul booda.Bulshada Somaliland waxay erayga “JEEGAANTA” u isticmaalan marka ay laba beelood oo deegaan ahaan kala fogi ay samaystaan isbahaysi siyaasadeed. Somaliland waxa soo maray laba jeegaanood. Jeegnata hore waxay ahayd isbahaysagii beelaha degga “ Awdal, Sool & Maakhir “ kuna bahoobeen xisbigii la odhan jiray USP “ United Somali Party” ee la sameeyay 1958. Waxa isbahaysigaas hormood ka ahaa Garaad Ali Garaad Jaamac iyo Xaaji Ibrahim Nuur. Jeegaantaasi waxay burburtay July, 1960. Jeegaanta labaad waxay unkantay 1989 waxaanay dhex martay Beesha Bariga Burco & Beesha Galbeedka Hargeisa. Ma jiro heshiis cad oo lagu hesheeyay, laakinse waxa muuqday isbahaysi shaki ku abuuray beelaha kale ee Somaliland. Waxa ugu danbaysay wareejinta juujuubka ah ee musharaxnimda Madaxweyne Siilaanyo ku wareejiyay Col. Muuse Biixi oo aan haysan kalsoonida bulshada . Isbahaysigaasi waxuu abuuray qaybin iyo kala qoqob qabiil oo aan la jaan qaadi karin jiritaanka qaranimada Somaliland. Hadaba, Hogaamiye Xirsi iyo Garabka Isbahaysigu waxay jeegaantii ku bedeleen “ Giraan “ oo ah giraan siyaasadeed ay ku wada muuqdaan dhamaan beelaha Somaliland . Waa siyaasad ku qotonta tallo-wadaag . Waa siyaasad walaalayn doonta bulshada Somaliland, keeni karta deganaansho, xasilooni, horumar iyo dimuqraadiyad. Waa masali lagu wada fadhiisan doono. Wuxuu yidhi Saahid Qamaan :
Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi,
Masaa in aanu nahay oy tolnimo meerto noo tahaye,
Masallaha ninkaan ii dhigayn midig ma taabsiyo,
Kii aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho,
Sidii koran xiniiyaha la muday uma maluugnaado.
Garabka Isbedel-doonku waxay diideen inay u maluugnaadan Col. Muuse Biixi, oo god madow ku ridi doona Somaliland, haddii uu boobo doorashada.
Qalinka :Drs Hoodo Yusuf, London,UK.
COMMENTS
|
|
||