Hargeysa: Ururka Hormuud Global Oo Casho-sharaf Ku Maamusay Qaar Ka Mid Ah Ardaydii Ka Qalinjebisay Jaamacadaha Sannadkan 2016
October 11, 2016 - Written by
Hargeysa (GLN)- Xaflad casho-sharaf ahayd oo uu soo agaasimaya ruruka Hormood, ayaa shahaado-sharafyo lagu guddoonsiiyey qaar ka mid ah ardaydii sannadkan 2016 ka qalinjebiyey jaamacadaha dalka.
Xafladdaas oo ay ka soo qaybgaleen xildhibaanno, salaadin, xildhibano, siyaasiyiin, ganacsato, arday iyo walidiin ayaa ujeedada loo qabtay waxa lagu sheegay sidii loo boogadin lahaa islamarkana lo dhiirin gelin lahaa ardayda sanadkan qalinjabisay.
Ugu horayn waxa goobta ka hadlay xoghayaha Guud ee Ururka hormuud Global Mr Muse Jama Essa oo si koban uga hadlay tariikhda ururka iyo wakhyigi la sameyay. Sidoo kale wax u ka hadlay u jeedoyinka ururka loo sameyay.
Wuxuna shegay in muddadii uu ururku jiray ay ku talaabsaden horumar la taban karo oo ayka mid tahay tan habeenka loo fadhiyey ee ardayda shahaado-sharafyada lagu guddoonsiinayey. Sidoo kale wuxu u xooghayuhu soo jeediyay qorshaysha mustaqbal ah ee ururka Hormuud Globa.
Xildhibaan Maxamedd Xaaji Yuusuf “Waabeeye” oo isna halkasi ka hadlay aya bogadiyay ardaydan, kulana dardaarmay inanay wadanka ka tahriibin oo ay halkan shaqo abuur ka samaystaan.
Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodi-jeex Ahmed Dalmar oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ardayda kula dardaarmay shaqada ka soo bilaabaan halka hoose si ay u gaadhan meel sare, isagoo tilmaamay in looga baahan yahay in aanu ardaygu niyaad jabin oo uu ilaahay talo saarto xirfaddiisa aqooneedna u dhiso.
Cabdillaahi Xariir oo ku hadlayay magaca ganacsatada ayaa isna hambalyeeyay ardaydaas sidoo kalena u mahad naqay ururka hormuud global wax qabadka wanagsan ee uu ku talabsasay.
Qaar ka mida aradayda aya iyaguna ka mahad celiyay casho sharaftan isla markaana bogadiyay doorka la taaban karo ee uu bulshada kaga jiro ururka Hormuud Global.
Wax iyana sidoo kale hadal qimo badan alkaas kasoo jeedisay Kinze Hussein kowdhan tilmaamtayna in ururka hormuud u yahay mid maanta loo baahna.sido kalena dhiri galisay ururka hormuud mamulkisa ku amaantay. Wax sidoo kale iyad oo dhiri galinaysa ardayda sheegtay in ay ardaydu halkaaz ka wadaan dadalkooda.
Nuura Cabdilaahi Magan oo ka mid ah haldoorka bulshad ayaa wax ayaa waxa ay sheegtay in ay cawa farxaad wayn u tahay in ah kala qayb gasho xafladN qimaha badan ee loo sameyay in ardayga lagu dhiri galinayo.
Waa sidoo kale waxA halkaas ka hadlay Ganacsade kayse sidiq oo kamida lafdharta Ururka Hormuud, ayaa soo jeediyay in ururka hormuud yahay urur kafayn doona baahiya ugu badan ee u bahan in wax laga qabto, sidoo kale wax uu sii qoto dheer uga Hadlay in ururuku u bahan yahay cid wax ku darsata si umad logu adeego. Waxanu sheegay in ururka hormuud u bahan yahay in ganacsatada, siyaasiyinta, dhalin ay si mugle uga qayb qaatan horumarinyiisa.
Waxa isaguna halkaa ka hadlay guddoomiyaha golaha deegaanka ee Oodweyne Cabdikaxiim Nuur Muuse oo isna dhiirigelin u jeediyey ardayda la maamusayay, isla markaana ku bogaadiyey tacliinta at barteen.
Ugu danbayn waxa xaflada ka hadlay Suldaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Aw Good oo sheegay inanay shaqadu iska imanniyada oo an lo dadalin waxanu aradayda qalin jabisay ku bogadiyay dadaalka ay la yimaaden. Sidoo kale wax uu aad iyo aad ugu hambalyeey mamulka ururka hormuud Global dadaalka ay sameyeen kun dhiri galiyay in ay halkaaz ka wadan.