7 Qof Oo Ku Dhintay Dagaal Markale Dib Uga qarxay Magalada Gaalkacyo
October 13, 2016 - Written by

Gaalkacyo(GLN)_Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ugu yaran 7 Qof ay Ku Dhinteen halka 15  kalena ay ku Dhawaacmen Dagaal  maanta mar kale ka dhex qarxay maamulada puntland iyo Galmudug  oo   marar hore  ugu dagaalamay magalada Gaalkacyo.

Dhawaaca ayaa loo kala Qaaday labada Qaybod ee Magalada .

Dad Goob Joogayaal ah ay sheegayaa in dhinacyada dagaallamay ay isku adeegsanayaan hubka  culus.

Labadii maalin ee ugu dambeysay waxaa Gaalkacyo ka jirtay  xiisad u dhaxeysa maamullada Puntland iyo Galmudug, iyadoo marar badan ay dhinacyadaan ku dagaallameen magaaladaasi.

Sikastaba ha ahaaten Dagaalkan Maanta ka dhacay magalada Gaalkacyo ayaanay wali ka hadal Masuuliyiinta labad Dhinac

Abdihakin Mohamed Hassan Qibro

www.Gacanlibaaxnews.com

Hargeysa/Office

 

COMMENTS