Xukumada Rwanda Oo markii Ugu Horeysay Sheegtay inay Dishay Dagaalyahano ka Tirsan Kooxda ALshabaab.
August 20, 2016 - Written by

Hargeys(GLN)_Ciidamad Booliska Rwanda ayaa sheegay inay toogasho ku dileen saddex Qof  oo argagixiso ah, magaalada Bugarama ee koofur galbeed dalkaas.

Saddexdan Qof  ayaa lagu eedeeyay inay xidhiidh la lahaayeen Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, kadib markii booliska ka war heleen inay qorsheynayeen inay weeraro geystaan.

Mid ka mid ah saddexda Qof  ee la toogtay ayaa la sheegay inuu ka soo jeedo waqooyiga dalkaas Rwanda, isla markaana muddo sanad ka badan la la’aa.

Ciidamada Booliska Rwanda ayaa la sheegay inay muddo baadigoobayeen kooxaha, iyadoo heegan la geliyay ciidamada.

Dalka Rwanda ayaa waxaa soo maray dagaalo ku dhisnaa hab qabiil, sanadkii 1993 ayaa waxaa ku dhintay dagaaladaas dad ka badan nus milyan Qof.

sikataba ha ahaate  waa markii ugu horeysay ay ciidamad Rwanda ayaa dil dagaal yahan ka tirsan kooxda Alshabaab oo fadhigoodu yahay koonfurta iyo badhtamaha somaliya

 

Abdihakin Mohamed Hassan Qibro

www.Gacanlibaaxnews.com

Hargeysa/Office

COMMENTS