Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo warbixin ka soo saaray doorashooyinka Soomaaliya.
August 20, 2016 - Written by
Muqdisho(GLN)_Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa warbixin ka soo saaray doorashooyinka dhacaya Soomaaliya dhamaadka bisha October ee sanadkan, iyadoo Goluhu walaac ka muujiyay dib u dhaca ku yimid doorashada somaliya.
Warbixin uu soo saaray Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ahna Safiirka joogtada ah ee Malaysia Ramlan Ibrahim ayaa soo dhoweeyay jadwalka cusub ee doorashooyinka Soomaaliya, kaasoo ay dhowaan soo saareen Madasha Wada-tashiga Qaran ee somaliya.
Danjire Ramlan Ibrahim ayaa sheegay inay ka xun yihiin doorashada ay dib u dhac ku timid illaa labo bilood, taasoo dhici doonta 30-ka October.
Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in loo baahan yahay in go’aanka Madasha Wada-tashiga qaran ee somaliya mudnaanta la siiyo, isla markaana la xaqiijiyo waqtiga ay doorashada dhaceyso oo aanay mar kale dib u dhac ku imaan
Dhanka kale Danjiraha Britain u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada midoobay ayaa soo dhoweeyay horumarada siyaasadeed iyo nabadgelyada ee laga sameeyay Somaliya , waxaana ku adkeeyay in la sii wado yididiilada ku aadan dowlad dimoqraadi ah, isla markaana loo sii wado lahaa doorashooyin aan mugdi ku jirin, macquulna ah.
“Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay waxay ka niyad jabsan yihin in doorashooyinka ay dib u dhacaan, waxaa rajeyneynaa in aanay dib u dhacyo kale imaan, laga dhabeeyo go’aanka la gaaray ee jadwalka cusub ee doorashooyinka”ayuu yiri Danjiraha Britain.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa hore u diiday muddo kordhin loo sameeyo xukumada , isla markaana ay dib u dhacwaynku yimaado Doorashada Somaliya .
sikataba ha ahaate madash wada tashiga somaliya ayaa walac wayn ka mujiyey doorashooyinka lagu wado in ay somaliya ka dhacan daba yaqaada sanadkan.