Shirweynihii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Waddani Oo Maantii Labaad ka Socda Huteel Maan-soor Ee Magalada Hargeysa iyo Nuxurka Khudbadi Guddoomiyaha Cusub Ee Xisbiga Waddani+ Sawirro
October 20, 2016 - Written by
Shir weynaha Golaha Dhexe Eeย  Xisbiga WADDANI oo maalintii shalay ahayd si rasmi ah looga furay magaalada Hareysa ayaa maanta galay maalintiisii labaad ,waxaanu hadda shir-kaasi dib uga furmay huteelka maansoor ee magaalada Hargeysa.
Shirka ayaa ka duwan kii shalay waxaan maanta lagu soo badhigay qorshe siyaasadeed Xisbiga WADDANI uu ku geli-doono doorashada Socota ,iyadoo ay dhammaba dadka ka soo qayb-galay shirkaasi loo qaybiyey buuga liimiga ah ee ku qoranyahay barmaaji siyaasadeedka Xisbiga WADDANI.
Xisbiga WADDANI ayaa shirkan maanta ku casuumay xubno lag soo xulay bulsha weynta reer somaliland,kuwaas oo iskugu jira aqoonyahano wax-garad iyo hadlddorka kale ee lagu tuhmayey in ay wax-ku kordhin karaan barmaamij siyaasadeedka Xisbiga WADDANI.
Xoghayaha Arimaha debad Dr Maxamed Cismaan Fadal ayaa ka haddlay nuxurka kooban ee uu xanbaarsan yahay barmaamji siyaasadeedka Xisbiga WADDANI,waxaanu ugu baaqay aqoonyahankii ka soo qayb-galay in ay akhriyaan oo ay wixii ay ku soo kordhinayaan ay ku soo kordhiyaan,isla markaana ay ka saxaan wixii ka qaldan.
Dhanka kalena waxa shirkan gar-daadinayey oo guddoomiyayey ,Guddoomiyaha dhawaan loo caleemo saaray xisbiga WADDANI Md. C/qaadir Jirde.

COMMENTS