Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo ku guuleystay kursigii u horeeyay Aqalka sare Ee Puntland.
October 20, 2016 - Written by

Raysal Wasaaraha Xukumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ku guuleystay kursigii 1aad ee xubinimada kuraasta Aqalka sare ee matalaya Puntland, kaddib doorasho  ka dhacday magaalada Garowe ee xarunta Maamul Goboleedka  Puntland.

Raysal Wasaare Cumar C/rashiid ayaa la tartamayay  Marwo Aamina Aadan C/llaahi, waxaana uu kaga guuleystay codod  badan, iyadoo intii ay socotay tirinta cododka mar kaliya sacab ay isla wada heleen dadkii madasha ku sugnaa oo ay ku jiraan Xildhibaanada.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo goob joog ka ah doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, waxaana Cumar C/rashiid uu helay 47 cod, halka Aamina Aadan C/llaahi ay heshay 17 cod, waxaa xumaaday 2 cod, tirada guud ee codeysay ayaa gaareysay 66 xildhibaan.

Cumar C/rashiid ayaa sidoo kale ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha, waxaana Beesha Caalamka ay dood ka keeneen Musharaxnimadiisa xilka Aqalka sare, kaddib markii uu ku soo baxay Liiskii uu soo gudbiyay Madaxweynaha Puntland.

Cumar C/rashiid ayaa saaka khudbadiisa musharaxnimada Aqalka sare ka hor jeediyay Baarlamaanka Puntland, kaddib markii shalay gelinkii dambe uu gaaray Garowe, isagoo ka maqnaa kulankii shalay Musharaxiinta Aqalka sare looga dhageysanayay khudbadahooda.

Waxaa hada kursiga labaad ee Xubinimada Aqalka sare ee Puntland ku taratamaya C/raxmaan Faroole Madaxweynihii hore ee Puntland iyo Cabdi Mahadi


doorashada-aqalka-sare1doorashada-aqalka-sare

 

COMMENTS