Xisbiga Waddani Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Sababta ay Uga Soo Qayb gali wayeen Shirka Golaha Dhexe Dr Gaboose Iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.
October 21, 2016 - Written by

Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay sababta ay shirka golaha dhexe ee xisbigaasi uga soo qayb gali waayeen Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo aan labadii cisho ee shirka golaha dhexe socday lagu dhex arag iyo loolanka adag ee u dhaxeeya musharaxiinta madaxwayne ku xigeenka xisbiga u hirdamaysa,waxaanay sheegeen in doorashadu xisbigu dhacayso maalinta sabtida oo bari ku astaysan.

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde oo khadka telefoonka ugu waramay wargeyska Saxan-saxo ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in ay cadho kaga maqan yihiin shirka siyaasiyiintaasi Dr Maxamed Gaboose Iyo
xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ,waxaanuu sidoo kale ka hadlay sababta shirka loogu daray muddo laba cisho ah iyo siyaasiyiin ku eedeeyey in shirku afduuban yahay.

Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo ugu horeyn ka hadlaya sababta labada cisho loogu daray wakhtiga shirka ayaa waxa uu yidhi

โ€œWaxa kale in mudada shirka golaha dhexe ee xisbiga WADDANI lagu daro laba cisho barnaamijka aanu doonayno in dalka lagu hogaamiyo ayaanu dadka oo dhan usoo bandhignay,markaa waxaan doonaynay in dadku waxay ay ku darayaan ay ku daraan oo aanu wada akhrino oo aanu siino maalin dhan oo gaar ah si uu meesha uga soo baxo barnaamij umada anfacaโ€

 

COMMENTS