Madaxwayne Siilaanyo Oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyay Marxuum Axmed Cabdi Dacar Oo Ku Geeriyooday Hargeysa
October 22, 2016 - Written by

Marxuumku waxa uu door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka, iyo nabad kuwada noolaanshaha shacbiga Somaliland

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Axmed Cabdi Dacar oo ku geeriyooday Hargeysa maanta oo jimce ah 21/10/2016.

Marxuumku waxa uu door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka, iyo nabad kuwada noolaanshaha shacbiga Somaliland, waxanu door muhiima ku lahaa Aas-aaskii dugsiga tababarka macalimiinta ee ugu horeeyey Somaliland. waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geerida Marxuumka Safiirka Somaliland u fadhiga Dalka Belgium oo uu walaalkii ahaa.

Madaxweynuhu waxa
uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo,Waayeelka, Waxgaradka, aqoonyahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada  JSL.

 

COMMENTS