Ururka Daacish Oo Qabsaday Degmo Ku Taala Maamul Goboleedka Puntland.
October 26, 2016 - Written by

Wararka ka imanaya Degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in rag hubaysan ay qabsadeen xarumihii maamulka ee degmadaasi aroornimadii hore ee saaka._92095788_53cb987d-ae06-4ac5-aaf2-bf9de560d233

Guddoomiyaha Degmada Qandala ย Jaamaca Maxamed Khuurshe oo u waramayay laanta afka soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in koox ka tirsan ururka isku magacaaba Khilaafada Islaamka ay saaka si nabad ah kula wareegeen degmada uu guddoomiyaha ka yahay ee Qandala.

guddoomiyaha ayaa sheegay in dablayda qabsatay Magaaladdu ay gaadhayaan toboneeyo qof.

kooxda daacish ayaan xoog ku ahayn dalka somalia, hasayeeshee waxa jira dagaal yahano hore uga tirsanaan jiray alshabaab oo ku biiray ururkaasi

Sources;Bbcsomali

COMMENTS