Xulka gobolka Saaxil oo 4-0 kaga Badiyey Xulka gobolka Xaysimmo
October 27, 2016 - Written by
Ciyaar xiiso leh oo galabta garoonka kubad cagta ee magaalada Hargeysa ku dhex martay xulalka gobolada Saaxil iyo Xaysimo,taas oo ahayd ciyayaar xiiso badan ayaa xulka gobolka saaxil uu afar gool iyo wax-ba kaga adkaaday xulka gobolka Xaysimo.
Xulka gobolka saaxil ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed qurux badan,taas oo soo jiidatay indhaha daawadayaasha,waxaana xusid mudan in hal ciyaartoy oo ka tirsan kooxda kubada cagta ee Saaxil kaadhka cas uu qaatay.
Dhanka kalena wefti ka tirsan xukuumadda somaliland oo uu horkacayo Madaxweyne Siilaanyo ayaa galabta daawanayey ciyaar-taas, iyagoo xaadir ku ahaa garoonka xamaasadna uyeelay.
Isku soo waddo duuboo ciyaartii galabta dhex maraysay xulalka gobolka Saaxil iyo gobolka Xaysimo, ayaa waxay afar gool guushu ku ย raacday xulka gobolka Saaxil, halka xulka Xaysimo uu guul darro kala caraabay garoonka.
dhanka kale waxa si weyn looga dabaal degay gobolka saaxil iyo taagerayaasha gobolka oo la filayo in caleemo qoyan ay ku ย soo dhaweyn doona wakhtiga ay ku gurya noqdaan gobolka saaxil.

 

COMMENTS