Madaxweynaha Somaliland Iyo Wafdi Balaadhan Uu Hogaaminayo Oo Socdaal ugu Ambabaxay Dalka Itoobiya+ Sawiro.
October 28, 2016 - Written by

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo oo ay weheliyaan Marwada kowaad ee qaranka Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde,  iyo gudoomiyaha Xisbi xaakimka kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, xubno ka mida golaha wasiirada iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, ayaa safar shaqo ugu baxay maanta oo jimce ah dalka  Itoobiya.

Safarkaasi oo qaadan doona maalmo kooban waxa uu madaxweynuhu la kulmayaa ra’isal wasaaradaha dalka itoobiya Hailemariam Desalegne. Waxaana saxaafadda uga warbixyey safarka madaxweynaha Afhayeenka Madaxtooyada Mudane Xuseen Aadan Cige (Deyr)

 

COMMENTS