War Deg Deg ah;Laba Qof Oo ku Dhintay Is Raasasayn ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha Ee Magalada Laascaanood.
August 21, 2016 - Written by

laascaanood(GLN)_

Wararka ka imanaya magalada laascaanood ee xarunta gaobolka Sool ayaa sheegayaa in maanta iska Horimaad Laba Kooxod ku Dhex maray garoonka diyaaradaha  ee magalada laascaanood  ay ku Dhinteen  laba Qof.

labadan Qof ee dhintay ayaa la kala safna labada  kooxood ee garoonka dirirtu ku dhex martay ,ka dib markii Diyaarad Qaad siday oo ay leedahay shirkada Qaadka ee 571 ay ka soo degtay garoonka magalada laascaanood.

sida ay ku soo waramayaan dad Goobjoogayaal ah oo ku sugaan Garoonka magalada laascaanood

waaxda cashuuraha ee garoonka diyaaradaha laascaanood ayaa  diiday  in ay cashuuraan Qaadkaasi ay leedahay shirkada 571, intaasi ka dibna halkaasi waxa ka dhacay iska Hor imaad u dhexeyaa ilaalada garoonka iyo Qar ka tirsan shirkada Qaadka 571.

Sikastay ahaataba ila hada xukumda somaliland ayaan ka hadalin iska hor imaadka ka dhacay maanta garoonka diyaaradaha magalada laascaanood oo ay ku nafwayeen laba qof  iyada oo uu gobolka ku sugan yahay wasiirka Arrimaha gudaha somaliland iyo sida oo kale madaxwaynaha Qaranka somaliland axmed maxamed maxamud siilaanyo iyo  Wafti balaadhanu Hogaaminaayo oo maalmihi ugu danbeyey safaro shaqo ku marayey gobolkaasi .

diyaaradii Qaadka siday  ee 571 ayaa iyadu dib u laabatay,  inkasta oo ay xaalada garoonku degan tahay .

Abdihakin Mohamed Hassan Qibro

WWW.Gacanlibaaxnews.com

Hargeysa/Office

COMMENTS