DEG-DEG BAAQ KU SOCDA GOLAHA WAKIILADDA : XILKA KA-XAYUUBIN MADAXWEYNE SIILAANYO “IMPEACHMENT” OO SHIR BEELEED KU QABTAY AQALKA MADAXTOOYADA. AKHRI QODOBKA 90 AAD EE DISTOORKA QARANKA JAMHUURIYAADA SOMALILAND
October 29, 2016 - Written by
gvMadaxwayne Axmed Maxamed Maxmoud Siilaanyo, oo la odhan karo waa Aabaha Qabyaalada Somaliland  “ God-father of Somaliland Tribalism “ , wuxuu   Xafiiska Madaxtooyada si rasmi ah ugu qaabilay Odayaal  &  Salaadiin beeshiisa  ka soo jeeda. TalabadaAS  uu ku dhaqaaqay  Madaxweyne Siilaanyo waa ku  ugub  hab-dhaqanka siyaasadeed ee Somaliland. Lama arag oo lama  lmaqal.   Waxuu meel kaga dhacay   xushmadii, karaamadii iyo sharftii Xafiiska Madaxtooyada  oo ah astaanta   midnimda iyo qaranimadda  Somaliland “ Sovereign Prestige  “.  Inta la ogyahay, waa markii saddexaad ee Madaxweyne Siilaanyo ku shiriyo beeshiisa  Aqalka Madaxtooyada . Odayaasha uu la kulmay  kamay talinaynin  danaha guud ee Somaliland “ National Interest “  balse waxay ka talinaayeen  arrimo ku salaysan dano qabiil “ tribal interest”. Lama garan karo  inay u tashanaayeen beelaha kale ee la  degga Somaliland  siiba Sool &  Sanaag   oo dagaalo sokeeye  dhex-maray. Shaki  ayay gelin karta beelaha  deggan  Kalshaale, Sool-joogto ,Buhoodle & Las-Anod.Salaadiintaas  waxa gadhwadeen ka ahaa  Boqor Buur-madow  oo lagu tilmaamo   dagaal-ooge iyo fidmo-wale. Qodoka 90AAD  ee Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu u dhiganyahay sidan “AWOODAHA MADAXWEYNAHA  Madaxweynuhu waa madaxa Qaranka iyo Dawladda; waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu u xil­saaran yahay daryeelka haybadda dalka; ilaalinta nabadgelyada; horumarinta bulshada iyo hab-sami-u-socodsiinta maamulka Dawadda
 Hadaba , Madaxweyne Siilaanyo wuxuu si cad u  jebiyay Qodobka 90 Aad ee Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland . Wuxuu ku kacay fal  ku lidi ah “midnimada muwaadiniinta ku dhaqan  Jamhuuriyadda Somaliland”  sida ku qeexan Qodobka 90aad. Waxaan ugu baaqayaa Golaha Wakiiladda Somaliland , inay gutaan waajibaadkooda distooriga oo ay xilka ka xayuubiyaan  Madaxweyne Siilaanyo ayagoo cuskanyaa Qodobka 90 ee distoorka Qaranka , kuna  soo oogoyaa “ khal-khal gelin midnimadda Jamhuuriyadda Somaliland , kala qaybin , kala qoqob qabiil  iyo hurin colaadeed “.
Wa bilaahi Towfiiq.
Drs Hoodo Yusuf, London, Uk.

COMMENTS