Weftiga xisbiga KULMIYE iyo soo dhawayntii Degmada OOG.
August 21, 2016 - Written by
Dadweynaha Degmada OOG oo Isku Raacay Muujinta Taageerada Laxaadka leh ee ay u Hayaan xisbiga KULMIYE.
Oog (GLN )- Dadweynaha ku dhaqan degmada Oog ee Gobolka Saraar, ayaa is buuxda u muujiyey taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, kadib markii si layaab leh u soo dhaweeyeen wefti uu hoggaaminayo Guddoominayo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo socdaal la xidhiidha wacyigelinta diiwaangelinta wacyigelinta diiwaangelinta ku jooga Gobollada Sool iyo Saraar.
Weftiga Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi oo ka qaybgalay daah-furka diiwaangelinta ee Gobolka Sool oo loogu xafladeeyey maanta magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, ayaa isla galinkii dambe booqasho ku tagay degmada Oog ee Gobolka Saraar, halkaas oo shacabka ku dhaqan ay kulmeen soo dhawayn aanay u kala hadhin qaybaha kala duwan ee bulshadu, kuwaas oo kaga hortagay duleedka Koonfureed ee magaalada, kadibna socod lug ah ku galbiyey ilaa la isugu tagay goob fagaare si qurux badan loogu diyaariyey oo madaxda xisbigu khudbado uga jeediyeen dadweynaha qaabilay.
Madaxdhaqameedka, waxgaradka iyo aqoonyahanka degmada Oog oo hadallo ka jeediyey madasha lagu qaabilay madaxda xisbiga KULMIYE, ayaa si farxad leh u soo dhaweeyey weftiga, iyagoo isku raacay in bulshada kala duwan ee ku dhaqan degmada Oog iyagoo aanay haybi midayn ay isku raacansan yihiin taageerada xisbiga KULMIYE oo ay ku majeerteen waxqabadka ballaadhan ee uu ka hirgaliyey dalka intii uu xukunka hayey.
Madaxdhaqameedka halkaasi ka hadlay oo ay ka mid yihiin cuqaasha ugu da’da wayn degmadaasi sida Caaqil Maxamed Diiriye, Chief Caaqil Cali Xirsi Axmed iyo Caaqil Yuusuf Cali Jibriil waxay si cad u sheegeen inay garab-taagan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa Madaxweynahaba Md. Muuse Biixi Cabdi.
Xildhibaan Saleebaan Cali Cawad (Bukhaari) iyo Xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale oo labadooda ka mid ah Golaha Wakiillada, lagana soo doortay degmada degmada Oog, ayaa uga mahadceliyey shacabka degmadaasi soo dhawaynta diirran ee u sameeyeen hoggaanka xisbiga.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Saraar Md. Cali Maxamed Faarax iyo Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa iyaguna farxad kaga dareen-celiyey taageerada iyo qalbi-furnaanta reer Oog ku garab-istaageen xisbiga. Waxa kaloo ay uga warrameen ujeeddada safarka weftiga KULMIYE oo ay u sheegeen inay tahay dardargelinta wacyigelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka, waxaanay kula dardaarmeen in aanay u kala hadhin sidii ay isku diiwaangelin lahaayeen.
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna si wayn uga mahadceliyey soo dhawaynta ballaadhan ee reer Oog u sameeyeen iyo guud ahaan taageerada baaxadda leh ee ay u hayaan xisbiga.
“Diiwaangelin baynu u soconnaa oo cod baynu bixinaynaa, haddaba maxaynu codka ka rabnaa? Codka waxaynu ka rabnaa in dadku walaaloobo oo ka jooga Boorama, ka jooga Oog, ka jooga Taleex iyo ka Saylac ay isk xisbi noqdaan oo ay wax wada yeeshaan, wax wadaqabsadaan, waxna wada dhistaan. Xisbiga KULMIYE intii uu jiray dad badan badan oo aan is aqoon oo daafaha ku kala nool ayaa ku midoobay oo ku walaaloobay, kadibna codkoodii iyo awoodoodii ayey muujiyeen oo xukunkii bay qabteen, dabadeedna odaygeennii xisbiga aasaasay ayaa waddo wanaagsan waxqabad keentay inoo jeexay, innagana waxa uu ina faray in aynu wixii uu qabtay halkaa ka sii wadno oo taariikhda iyo waxqabadka xisbiga sii wadno, innaga oo isku dhan taynu codka u bixinaynaa waa taa,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.
COMMENTS
|
-
TALO DOORASHO – Qalinka: Muuse Jaambiir
Mar kale; Somaliland doorasho muddaysneyd ayaa waqtigeedii dib uga dhacaysa. Mar kale sii jirista g...
Monday, April 6, 2026
-
Macasalaamaynta Mooge iyo Dhacdooyinka Uu Ka Tegay !WQ: Rabiile Cabdillaahi Jaamac
Markii uu xilka Maayarnimo ee caasimadda Hargeysa qabtay Maayor Cabdikariim Axmed Mooge, waxa uu la...
Monday, March 30, 2026
-
Xakamaynta Dhibka Abaaraha iyo Daadka is-xiga! WQ: Foodcadde Cawil
Maareyn Joogto ah, ma aha Gurmadka Kumeel gaadhk ahiDalkeennu wuxuu muddo dheer ku jiray xaalad ...
Monday, March 30, 2026
-
𝐂𝐀𝐒𝐇𝐀𝐑 baa la inoo dhigay an ku 𝐂𝐈𝐁𝐑𝐎 𝐐𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍𝐎. WQ: Maxamed Cali Bile
Wixii ku soo maray cashar ayaa laga bartaa si aanay mar labaad kuugu dhicin. 12 sanadood ka hor aya...
Tuesday, December 23, 2025
-
Yaa daaha dabadiisa ka murmaya? Qore: Dr-Abdulqani Hussein Beder
Maqaalkani waxa uu jihaynayaa hab dhaqanka waalidka ee fahamka ilmihiisa iyo fahamka macallinka ee ...
Thursday, October 23, 2025
-
“𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐋𝐚’𝐚𝐚𝐧𝐢 𝐖𝐚𝐚 𝐈𝐟𝐭𝐢𝐢𝐧 𝐋𝐚’𝐚𝐚𝐧” 𝙌𝙖𝙡𝙞𝙣𝙠𝙞𝙞: 𝙈𝙖𝙭𝙖𝙢𝙚𝙙 𝙔𝙪𝙪𝙨𝙪𝙛 𝘽𝙞𝙙𝙝𝙞𝙞𝙙𝙝 𝘽𝙖𝙙𝙙𝙖.
"𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐋𝐚'𝐚𝐚𝐧𝐢 𝐖𝐚𝐚 𝐈𝐟𝐭𝐢𝐢𝐧 𝐋𝐚'𝐚...
Thursday, October 9, 2025
-
Deeqsigii Degmada Xaaxi ee Hashii keliya ee uu lahaa u qalay Wasiirrada Somaliland!
Tuulada Xaaxi oo hoos tagta Gobolka Daad-madheedh ee Ood-weyne ayaa dadka halkaas ku nool oo ah dad...
Monday, November 9, 2020
-
Doorka Goleyaasha Deegaanka ee Abuurista Adeeg Bulsho oo Hufan. WQ: Axmed Nuur Muuse
Hordhac:
Jamhuuriyadda Somaliland (JSL) waa dalka qudha ee ku yaalla Geeska Afrika ee ay doorash...
Friday, November 6, 2020
-
WAHSIGA. WQ: Ciise Maxamuud Geelle (Ciise Waddani)
Anas Ibnu Malik Waxa uu Nabiga kasoo maqlay s.c.w ducadan:- "Allow waxan kaa magan galay walwalka/w...
Sunday, November 1, 2020
-
Maxaa Ka Khaldan Injineerada Dhismaha Mise Qandaraasleyaasha Kham-khama? WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Markii iigu horaysay waxaan bookhday laba dhisme oo waaweyn oo dhawaan loo dhisay laba hay...
Monday, October 12, 2020
-
Cibaadada fekerka/fikirka. WQ: Ciise Waddani
“Waa kuwa ilaahay xusaya iyagoo taagan, iyagoo fadhiya, iyo iyagoo jiifa, kana fekeraya abuuridda...
Tuesday, July 21, 2020
-
Baryadda Alle. Qalinkii: Hal-abuur Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
“Rabbigiin wuxu idin leeyahay I barya waan idinka aqbaliye, kuwa iska weyneynaya cibaadadeyda wax...
Monday, February 24, 2020
-
Mareykan iyo Iiraan: Laba Abeeso Oo dhiiggayga Jaqaayey, Maanta Ma Is Cunayaan? WQ: Dr. Abdulqani Hussein Badder
Labadii u heshiiyey burburinta muslimka sunniga ah, labadii
Ciraaq, dilay ee deldelay Saddaam Xusee...
Thursday, February 6, 2020
-
Fahanka Wakhtiga iyo fariinta waayaha. WQ: Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
Muddada jiritaanka jidhka basharka iyo nagaanshaha ruuxdu xilliga uu gaadho ayaa laba siyood u muuq...
Thursday, January 23, 2020
-
Guushu Waa Garashada Iyo Garowshiiyaha| Sicirbararka iyo Qiima dhaca Shilinka| WQ: Dr. Cabdiqani Beder
Sababta ugu weyn ee qiima dhaca shilinka Soomaaliland loo xakamayn kari la’yahay waa fahamka gurr...
Tuesday, January 14, 2020
-
Waxa uu go’aansaday in uu is dilo! WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen “Beder”
"Waxa aan ku daalay noloshii, ixtiraamna kuma haysto halkan, cid i daryeeshana ma haysto, sidaa awg...
Tuesday, January 14, 2020
-
Qorshaynta Mustaqbalka fog. WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen Muxammed (Beder)
Qofka Muslimka ahi waa qof aragti dheer oo ogaanshihiisu
ka tallowsan yahay waxa muuqda.
Culuumt...
Friday, December 20, 2019
-
Sidee loo dhisi karaa Somaliland la wada leeyahay? WQ: Mustafe Ismail Bulaale (Mustafe Dawlad)
“Ninku yidhi sinaan mayno
adna buri sarayntiisa
sedka waad wadaagtaane
ma sagaashan baa ...
Friday, December 20, 2019
-
Hadallada Nacaybku Miyay Ka Mid Yihiin Xorriyadda Hadalka. WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Qodobka 32-aad ee dastuurka JSL wuxuu u dhigan yahay in Muwaadin kasta uu xor u yahay in uu rayigii...
Sunday, November 10, 2019
-
Xabag-Barsheed: Xiddiga Diiwaannada Laga Qoray Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. WQ: Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
Waxa 28kii Feb 2019ka gacantayda soo galay Diiwaanka Xabag-Barsheed: Miisaanka Maansada S...
Wednesday, April 10, 2019
-
Af Soomaaliga: Marxaladda Maanta Iyo Jiritaankiisa Mustaqbalka. WQ: Khaalid Bulshaawi
Marxalado kala duwan iyo dadaalo is Xigay oo muddo dheer
soo socday Ugu danbayn sanadkii 1972 kii a...
Thursday, February 14, 2019
-
Adiga Ayaan Kuu Shaqeeyaa! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Hadda
ayuu kasoo galay shaqo iyo shirar qaatay saacado dhawr ah, oo uu la galay qaar
ka mid ah Goli...
Thursday, February 14, 2019
-
Balaayo Loo Baahan Yahay! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Maalin wanaagsan, muddo kooban oo laba bilood ku siman 04-Dec – 04- Feb ayaan halkan (Facebook) k...
Tuesday, February 5, 2019
-
Abwaan Dheeg iyo Buugga “Dhaxal Abwaan”. WQ: Faysal Jaamac
Weedho
ugu danbayn lahaa aan soo horreysiiyo: ‘Taariikh-suugaaneedka Abwaan Dheeg waa
daaqad ...
Sunday, January 13, 2019
-
Waa Maxay Dawladdi?
In
ka badan 3 boqol oo sanno kahor dhalashadii Ciise (cs) Philip II kalsoonaa buu
ku qabay qabs...
Sunday, January 13, 2019
More Wararka
|