Daawo;Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland Axmed Yuusuf Yasiin Oo Beeniyey Warar Sheegay Inu Dhex Dhexaadiyey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Musharax Jamaal Cali Xuseen.
November 5, 2016 - Written by

Hargeysa(GLN)_Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yasiin ayaa markii ugu horeysay Beeniyey Warar Sheegay Inu Dhex Dhexaadiyey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi   iyo Musharax  madaxweyne ee xisbiga Ucid Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen.

Axmed Yuusuf Yasiin waxaa uu shegay in aanay wararkaasi waxba ka jirin isla markaana laysku keenay sawiro maalmo hore ahaa oo qeyb ka mid ah la jaray , sidoo kalana waxaa uu sheegay In Jamaal Cali Xussen yahay shaqasi leh hamiga in uu dal hogaamiyo.

COMMENTS