Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xukuno Ku Riday Afar Qareen Oo U Doodayey Dad Eedaysanayaal Ah
November 7, 2016 - Written by

Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa xukuno ku riday afar qareen oo u doodayey dad ku eedaysanaa inay baraha bulshada ee Facebook ku isticmaalayeen xubno ka mid ah garsoorka somaliland.

Gudoomiyaha maxkamada gobolka Hargeysa Axmed Ismaaciil Dalmar ayaa warbaahinta u xaqiijiyey xadhiga afarta qareen oo lagu xukumay min hal sano oo xadhig ah.

Gudoomiye Axmed Dalmar ayaa sheegay in xadhiga qareenadu uu yimid ka dib markii uu ayย  is hortaageen habsami u socodka dacwada isla markaana ay aflagaado u gaysteen garsoorihii qaadyey dacwada, waxaanu tilmaamay inay kiciyeen dadkii ka soo qayb galay dhagaysiga maxkamada oo ay ku amreen inay maxkamada ka baxaan.
Afartan qareen ee xukunka xadhiga ah lagu riday ayaa kala ahaa Daahir Maxamed Faarax

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud, Jaamac Cali Ismaaciil, Xasan Maxamed Fadal

Dhinaca kale gudoomiyaha xarunta xuquuqal iinsaanka somaliland Guuleed Dafac oo ka hadlay xukunkan ayaa difaacay qareenadan la xidhay waxaanu sheegay inay ku kaceen wax ay xaq u leeyihiin oo uu ku tilmaamay is hortaag eed ka dhan ah dadka ay difaacayaan.

 

COMMENTS