Dadweynaha ku Dhaqan Bariga Hargeysa Oo Taageerada Ballaadhan U Muujiyey Xisbiga Kulmiye.
November 8, 2016 - Written by
Dadweynaha ku Dhaqan Bariga Hargeysa Oo Taageerada Ballaadhan U Muujiyey Xisbiga Kulmiye.
Hargeysa (GLN )- Dadweynaha ku dhaqan degmooyinka bariga magaalada Hargeysa, ayaa si weyn u muujiyey taageerada baaxadda leh ee ay u hayaan xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE iyo murrashaxiisa jagada Madaxweynaha Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay huteelka KAAH ee magaalada Hargeysa maanta, waxa shacabka degmooyinka Gacan-libaax, Macallin Haaruun ilaa Cadaadlay, salaadiinta iyo cuqaasha, siyaasiyiinta iyo waxgaradkooduba ku soo bandhigeen baaxadda taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE, taas oo lagu casuumay hoggaanka xisbiga oo uu hormuud u yahay Guddoomiye Muuse Biixi, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad, Xoghayaha Guud yo xubno wasiirro ka tirsan xukuumadda.
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil oo halkaasi ka hadlay, ayaa ka mahadceliyey taageerada ay muujiyeen dadka deegaankaasi, waxaanu xusay inay taageeradoodu wax weyn ka tari doonto hayaanka xisbigu ugu jiro inuu mar labaad talada dalka ku guulaysto.
Suldaan Maxamed Suldaan Xasan-Barre, Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Xasan, Suldaan Badda Cas, Chief Caaqil Cabdi Faarax Yuusuf iyo weliba aqoonyahan Maxamed Xaaji Cabdi oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa carrabka ku ballaadhiyey inay muujinta taageerada xisbiga KULMIYE dhab ka tahay, isla markaana si buuxda taageero hiil iyo hooba le hula garab taagan yihiin xisbiga.
Wasiirkii hore ee wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) iyo Xildhibaan Saleebaan Cawad Cige (Bukhaari) iyo xubno kale oo siyaasiyiin ah, ayaa iyaguna taageerayaashii xafladda isugu yimi xusuusiyey taariikhda ma duugaanka ah ee xisbiga KULMIYE iyo murrashax Muuse Biixi ku sifaysan yihiin, waxqabadka hirgalay ee xisbal-xaakimka ka fuliyey dalka muddada uu xilka hayey, laguna daroon doono, waxaanay hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay sidii fursad kale oo uu dalka ku hoggaamiyo loo siin lahaa xisbiga KULMIYE, si waxqabadkaasi u noqdo mid midho dhala oo halkii la rabay gaadhsiisan.
Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), Duulista Hawada Md. Farxaan Aadan Haybe, Hawlaha Guud Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan) iyo Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Marwo Shukri Ismaaciil Baandare iyo weliba Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Daakhiliga Md. Maxamed Muuse Diiriye oo dhammaantood khudbado ka jeediyey xafladda, ayaa taageerada shacabka bariga magaaladu u muujiyeen xisbiga KULMIYE ku tilmaamay mid marag u ah awoodda iyo taageerada uu xisbiga KULMIYE bulshada dhexdeeda ku leeyahay.
Sidoo kale, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa labadooduba farxad ku soo dhaweeyey shacabka u muujiyey inay barbartaagan yihiin xisbal-xaakimka, iyagoo ka warramay taariikhda aan duugoobin ee ay dadkaasi ku lahaayeen halgankii dalka lagu xoreeyey iyo aasaaskii iyo guulihii xisbiga KULMIYE gaadhay, waxa kaloo ay ku boorriyeen in bulshada in waqtiga codka la bixinayo xil weyn iska saaraan sidii ay Guddoomiye Muuse Biixi fartooda ugu dooran lahaayeen Madaxweynaha mustaqbalka ee dalka Somaliland.
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa mahadnaq iyo bogaadin kaga dareen-celiyey taageerada shacabka bariga Hargeysa u muujiyeen, waxaannu tilmaamay in xisbigu u taaganyahay sii ambo-qaadista waxqabadka Madaxweyne Siilaanyo ka sameeyey dalka, waxaannu yihdi, “Taageeradaas aynu isugu nimi iyo xisbiga iyo barnaamijkaas aynu wadaagnaa waa aragtida xisbiga KULMIYE ee qayteedii hore uu fuliyey Madaxweynaha Somaliland, waxaynu isugu nimi in waxa aynu qabanaynaa noqdaan wax daacad ah oo aynu aakhirada iyo ifkeenaba u tudhano, ta labaadna waa inaynu dalkeena u halganno oo u horseedno inuu dadkeenu is-aamino oo aynu dar Ilaahay iyo waddaninimo ku midayno oo aynu ubadkeena soo socda u samayno mustaqbal ka wanaagsan maanta halkaynu taaganahay, innaga oo fulinayna intii inala midka ahayd ee naftooda u hurtay inay mustaqbalka Somaliland ka dhigaan mid ka wacan maalintii ay dagaallamayeen.”
“Maanta tartanka xisbiyada ka dhaxeeya inaynu muujinno dulqaad oo haddii la inaga gardarraado ama qadaf la inagu sameeyo aynu u dulqaadanno oo aynaan noqonin xisbiyada dadka u horseeda ummadda khilaaf iyo caytan oo aynu horseed u noqono inay xisbiyadeenu noqdaan qaar dadka u horseeda wanaag, is-dhexgal, mustaqbal iyo barnaamij lala yimaaddo,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.
Waxa kaloo uu ka hadlay rabshadihii ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Isniintii oo ay ku dhaawacmeen dad ka badan labaatan qof, waxaannu yidhi, “Arrintii ka dhacday Garoonka kubadda ee Hargeysa dar Ilaahay haddii aynu is naqaanno xaafadda Axmed Dhagax arrintaa ma gaydo, waayo waa xaafaddii ciidankeeda loogu hor qarameeyey ee aasaaska nabadda Somaliland kow ka ahayd, suldaankii ugu horreeyey dalka nabaddiisa ee ilaalinayey oo ah Suldaan Maxamed Faarax waa xaafaddiisii, magaca mujaahid Axmed Dhagax ee xaafadda oo ah ninkii markii Hargeysa la soo galay ee xaaladdu adkaatay yidhi ‘waa lagu jirayaa Hargeysa oo korkeeda ayaa lagu noolaanayaa ama waa lagu dhimanayaa ee lama baxayo.’ Markaa waxaan hubaa in xaafadda lagu soo dhex dhuuntay, waxaanse is waydiinayaa ninka maanta ciyaaraha fidmada ka dhex tuuraya ee laga yaabo inuu qaranka hoggaamin ka doonayo talow xaggee buu inoo wadaa.”
COMMENTS
|
-
TALO DOORASHO – Qalinka: Muuse Jaambiir
Mar kale; Somaliland doorasho muddaysneyd ayaa waqtigeedii dib uga dhacaysa. Mar kale sii jirista g...
Monday, April 6, 2026
-
Macasalaamaynta Mooge iyo Dhacdooyinka Uu Ka Tegay !WQ: Rabiile Cabdillaahi Jaamac
Markii uu xilka Maayarnimo ee caasimadda Hargeysa qabtay Maayor Cabdikariim Axmed Mooge, waxa uu la...
Monday, March 30, 2026
-
Xakamaynta Dhibka Abaaraha iyo Daadka is-xiga! WQ: Foodcadde Cawil
Maareyn Joogto ah, ma aha Gurmadka Kumeel gaadhk ahiDalkeennu wuxuu muddo dheer ku jiray xaalad ...
Monday, March 30, 2026
-
𝐂𝐀𝐒𝐇𝐀𝐑 baa la inoo dhigay an ku 𝐂𝐈𝐁𝐑𝐎 𝐐𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍𝐎. WQ: Maxamed Cali Bile
Wixii ku soo maray cashar ayaa laga bartaa si aanay mar labaad kuugu dhicin. 12 sanadood ka hor aya...
Tuesday, December 23, 2025
-
Yaa daaha dabadiisa ka murmaya? Qore: Dr-Abdulqani Hussein Beder
Maqaalkani waxa uu jihaynayaa hab dhaqanka waalidka ee fahamka ilmihiisa iyo fahamka macallinka ee ...
Thursday, October 23, 2025
-
“𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐋𝐚’𝐚𝐚𝐧𝐢 𝐖𝐚𝐚 𝐈𝐟𝐭𝐢𝐢𝐧 𝐋𝐚’𝐚𝐚𝐧” 𝙌𝙖𝙡𝙞𝙣𝙠𝙞𝙞: 𝙈𝙖𝙭𝙖𝙢𝙚𝙙 𝙔𝙪𝙪𝙨𝙪𝙛 𝘽𝙞𝙙𝙝𝙞𝙞𝙙𝙝 𝘽𝙖𝙙𝙙𝙖.
"𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐋𝐚'𝐚𝐚𝐧𝐢 𝐖𝐚𝐚 𝐈𝐟𝐭𝐢𝐢𝐧 𝐋𝐚'𝐚...
Thursday, October 9, 2025
-
Deeqsigii Degmada Xaaxi ee Hashii keliya ee uu lahaa u qalay Wasiirrada Somaliland!
Tuulada Xaaxi oo hoos tagta Gobolka Daad-madheedh ee Ood-weyne ayaa dadka halkaas ku nool oo ah dad...
Monday, November 9, 2020
-
Doorka Goleyaasha Deegaanka ee Abuurista Adeeg Bulsho oo Hufan. WQ: Axmed Nuur Muuse
Hordhac:
Jamhuuriyadda Somaliland (JSL) waa dalka qudha ee ku yaalla Geeska Afrika ee ay doorash...
Friday, November 6, 2020
-
WAHSIGA. WQ: Ciise Maxamuud Geelle (Ciise Waddani)
Anas Ibnu Malik Waxa uu Nabiga kasoo maqlay s.c.w ducadan:- "Allow waxan kaa magan galay walwalka/w...
Sunday, November 1, 2020
-
Maxaa Ka Khaldan Injineerada Dhismaha Mise Qandaraasleyaasha Kham-khama? WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Markii iigu horaysay waxaan bookhday laba dhisme oo waaweyn oo dhawaan loo dhisay laba hay...
Monday, October 12, 2020
-
Cibaadada fekerka/fikirka. WQ: Ciise Waddani
“Waa kuwa ilaahay xusaya iyagoo taagan, iyagoo fadhiya, iyo iyagoo jiifa, kana fekeraya abuuridda...
Tuesday, July 21, 2020
-
Baryadda Alle. Qalinkii: Hal-abuur Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
“Rabbigiin wuxu idin leeyahay I barya waan idinka aqbaliye, kuwa iska weyneynaya cibaadadeyda wax...
Monday, February 24, 2020
-
Mareykan iyo Iiraan: Laba Abeeso Oo dhiiggayga Jaqaayey, Maanta Ma Is Cunayaan? WQ: Dr. Abdulqani Hussein Badder
Labadii u heshiiyey burburinta muslimka sunniga ah, labadii
Ciraaq, dilay ee deldelay Saddaam Xusee...
Thursday, February 6, 2020
-
Fahanka Wakhtiga iyo fariinta waayaha. WQ: Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
Muddada jiritaanka jidhka basharka iyo nagaanshaha ruuxdu xilliga uu gaadho ayaa laba siyood u muuq...
Thursday, January 23, 2020
-
Guushu Waa Garashada Iyo Garowshiiyaha| Sicirbararka iyo Qiima dhaca Shilinka| WQ: Dr. Cabdiqani Beder
Sababta ugu weyn ee qiima dhaca shilinka Soomaaliland loo xakamayn kari la’yahay waa fahamka gurr...
Tuesday, January 14, 2020
-
Waxa uu go’aansaday in uu is dilo! WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen “Beder”
"Waxa aan ku daalay noloshii, ixtiraamna kuma haysto halkan, cid i daryeeshana ma haysto, sidaa awg...
Tuesday, January 14, 2020
-
Qorshaynta Mustaqbalka fog. WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen Muxammed (Beder)
Qofka Muslimka ahi waa qof aragti dheer oo ogaanshihiisu
ka tallowsan yahay waxa muuqda.
Culuumt...
Friday, December 20, 2019
-
Sidee loo dhisi karaa Somaliland la wada leeyahay? WQ: Mustafe Ismail Bulaale (Mustafe Dawlad)
“Ninku yidhi sinaan mayno
adna buri sarayntiisa
sedka waad wadaagtaane
ma sagaashan baa ...
Friday, December 20, 2019
-
Hadallada Nacaybku Miyay Ka Mid Yihiin Xorriyadda Hadalka. WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Qodobka 32-aad ee dastuurka JSL wuxuu u dhigan yahay in Muwaadin kasta uu xor u yahay in uu rayigii...
Sunday, November 10, 2019
-
Xabag-Barsheed: Xiddiga Diiwaannada Laga Qoray Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. WQ: Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
Waxa 28kii Feb 2019ka gacantayda soo galay Diiwaanka Xabag-Barsheed: Miisaanka Maansada S...
Wednesday, April 10, 2019
-
Af Soomaaliga: Marxaladda Maanta Iyo Jiritaankiisa Mustaqbalka. WQ: Khaalid Bulshaawi
Marxalado kala duwan iyo dadaalo is Xigay oo muddo dheer
soo socday Ugu danbayn sanadkii 1972 kii a...
Thursday, February 14, 2019
-
Adiga Ayaan Kuu Shaqeeyaa! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Hadda
ayuu kasoo galay shaqo iyo shirar qaatay saacado dhawr ah, oo uu la galay qaar
ka mid ah Goli...
Thursday, February 14, 2019
-
Balaayo Loo Baahan Yahay! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Maalin wanaagsan, muddo kooban oo laba bilood ku siman 04-Dec – 04- Feb ayaan halkan (Facebook) k...
Tuesday, February 5, 2019
-
Abwaan Dheeg iyo Buugga “Dhaxal Abwaan”. WQ: Faysal Jaamac
Weedho
ugu danbayn lahaa aan soo horreysiiyo: ‘Taariikh-suugaaneedka Abwaan Dheeg waa
daaqad ...
Sunday, January 13, 2019
-
Waa Maxay Dawladdi?
In
ka badan 3 boqol oo sanno kahor dhalashadii Ciise (cs) Philip II kalsoonaa buu
ku qabay qabs...
Sunday, January 13, 2019
More Wararka
|