Maraykanka: Bilowga natiijada oo soo baxaysa
November 9, 2016 - Written by

Kala badh gobollada Maraykanka codbixintii ka socotay ayaa la soo gaba gabeeyey iyadoo Hillary Clinton iyo Donald Trump ay u dheg taagayaan natiijada ka soo bixi doonta doorashadan oo ay ololaheedii aad ugu loolamayeen.

Sida uu saadaalinayo Telefishanka Maraykanka laga leeyahay ee ABC Trump ayaa guulo ka gaadhay gobollada koonfureed halka ay Mrs Clinton na guul ka soo hoysay gobollada woqooyi bari.

Ra’yi ururin ay BBC-du qaaday ayaa muujisay in Mrs Clinton ku horrayso guud ahaan dalka oo dhan afar dhibcood.

Tiradii ugu badnayd ee beryahaa u soo baxa cod bixin ayaa doorkan codkooda dhiibanaya waxaana doorashadan u soo baxay 45 milyan oo qof.

Natiijada doorashadan madaxtinimada Maraykanka ayaa la filayaa in la shaaciyo aroornimada hore ee maalinta Arabacada ah Saacadda Geeska Afrikada (SGA) marka ay tahay 8:00 aroornimo.

COMMENTS