Cali Guray Oo Sheegay Inuu Maxamed Kaahin Ka Saaqiday Siyaasada Iyo Fariinta Uu Cali Guray U Diray Beesha Uu Ka Dhashay Maxamed Kaahin Ee Habar-jeclo
November 9, 2016 - Written by

Guddoomiye ku-xigeenka sadexaad ee Xisbiga UCID Cali Yusuf Cali Guray,ayaa sheegay in aanu guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE Maxmed Kaahin noqonayn Siyaasi weligii,waxaanu sheegay in uu ka saaqiday siyaasada,isagoo intaasi ku daray haddii uu Siyaasi ahaan lahaa in uu ka horrayn lahaa Saleebaan Gaal iyo Siilaanyo,.

thumb-php

Haddalkan Cali Guray ayaa ka dhashay,kadib markii uu shalay guddoomiye ku-xigeenka KULMIYE Maxamed Kaahin uu  ka qayb-galay shir uu garabka Xisbiga UCID ee Faysal Cali waraabe ku qabsaday huteelka Adamis ee magaalada Hargeysa,isla markaana uu la saftay faysal Cali waraabe, kaasi oo ay iska soo horjeedaan garabka kale ee Xisbiga UCID  ee ay hoggaamiyaan JaaalCali Xuseen iyo Cali Guray

Dhanka kalena Cali Guray ayaa sheegay inuu wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi ka horeeyo dhanka siyaasada Maxamed Kaahin,,isagoo cali Guray fariin u diray beelaha Habar-jeclo ee uu ka soo jeedo Maxamed Kaahin ,waxaanu ugu baaqay beelahaasi in ay ka tashadaan Maxamed Kaahin, waxa uu sidaasi ku sheegay Cali Guray qoraal uu soo dhiga boga uu ku leeyahay Face-buuga kaasi oo u dhignaa sidan:-

“Miskiin Teneg Madhan iga dheh. Markii uu siqiiray may dhawayn. Bal muxuu ka doonay wasalad ee bakhtiga ula cunay Ina Cali Waraabe. Waar kani siyaasi weligii noqon maayo eh Habarjeclo dib ha uga tashato. Xirsi haduu WADDANI tegay Maxamuud Xaashi baa axdiga Ilaahay intuu doono ka siyaasisan. Maxamed oo shakhsi wanaagsan lakiin weligii siyaasi noqon maayo. Hadii uu siyaasi yahay Axmed iyo Saleebaanba isaga ayaa laga horaysiin lahaa laakiin wuu saaqiday”Ayuu Yidhi Cali Guray.

COMMENTS