Shacabka ku Dhaqan Caynaba oo Isu-soo-bax Ballaadhan ku Muujiyey Taageeradooda Xisbiga KULMIYE iyo Taariikhda ka Dhaxaysa
August 22, 2016 - Written by
Shacabka ku Dhaqan Caynaba oo Isu-soo-bax Ballaadhan ku Muujiyey Taageeradooda Xisbiga KULMIYE iyo Taariikhda ka Dhaxaysa.
Caynaba (GLN )- Shacabka ku dhaqan magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar ee Somaliland, ayaa xaqiiyey taageerada ay u hayaan xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE iyo taariikhda u dhaxaysa xisbiga.
Isu-soo-bax ballaadhan oo dadweynaha ku dhaqan magaalada Caynaba sameeyeen maanta ayey soo dhawayn iyo qaabilaad ugu sameeyeen wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo safar qayb ah wacyigelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha u jooga gobollada Sool iyo Saraar oo ay si rasmi ah uga furmi doonaan sanaaduuqdoodu berri subax.
Soo dhawayn ay ka qaybgaleen boqolaal dadweyne ah oo isugu soo baxay jidadka magaalada Caynaba oo lulayey calamada Qaranka Jamhuuriyadda iyo midka xisbiga KULMIYE, isla markaana ku dhawaaqayey erayo ay ku taageerayaan Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi, ayaa markii dambe isugu tagay Fagaaraha Khayriyada ee badhtamaha magaalada, halkaas oo Halkaas oo masuuliyiinta iyo madaxda heer gobol iyo degmo kala hadleen.
Cuqaasha, odayaasha, waxgaradka, aqooyahanka, haweenka iyo dhallinyarada reer Caynaba oo hadallo ka jeediyey Fagaaraha Khayradda ee loogu xafladeeyey soo dhawaynta weftiga xisbal-xaakimka Somaliland, ayaa dhammaantood iska dabamaray taageerada deegaanku u hayo xisbiga iyo murrashaxiisa jagada Madaxweynaha oo ay ku tilmaameen nin abaal fara badan ku leh dalka iyo dadkaba, isla markaana ah qofka u mudan maanta ee lagu aamini karo taladiisa.
Cuqaasha madasha ka hadashay oo ay ka mid ahaayeen Caaqil Maxamed Daroor, Caaqil Cali Buraale, Caaqil Kaariye iyo qaar kale, waxay ka warrameen taariikhda iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya xisbiga KULMIYE iyo dadweynaha deegaannada Gobolka Saraar.
Guddoomiyaha Gobolka Saraar Md. Cali Maxamed Faarax, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Md. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xasan (Caga-yare) oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa, kuwaas oo dhammaantood u jooga Gobolka Saraar hawlaha dardargelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha, ayaa iyaguna ku bogadiyey bulshada reer Caynaba sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen weftiga KULMIYE, waxaanay u tibaaxeen waxqabadka iyo guulaha xukuumadda xisbigu ka samaysay guud ahaan dalka, gaar ahaana Gobolka Saraar, sidaasi darteedna loo baahan yahay in shacabku ku qiimeeyo waxtarkaasi doorashooyinka soo socda.
Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), ayaa ka mahadceliyey sida loogu soo dhaweeyey Caynaba, waxaanay kula dardaarmeen guud ahaan dadweynaha Gobolka Saraar in aanay u kala hadhin ka qaybgalka diiwaangelinta.
Ugu dambayntii Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dareen farxadeed ka bixiyey qaabilaadda iyo taageerada uu kala reer Caynaba, taas oo uu ku macneeyey gobonimo iyo jacayl lagu yaqaan oo dhexyaal iyaga iyo xisbigiisa.
“Xisbiga KULMIYE bulshaynta Bari iyo Galbeedba waa xisbiga midnimada Somaliland, weliba waxa uu xisbiyada kale dheeryahay waa xisbiga mideeyey Mujaahidiintii, Daraawiishtii iyo Cawaale Bustaale oo mid waliba dhankiisa mujaahid u ahaa, saddexdaasi waa ka Somaliland iyo dastuurkeennu ku dhisanyahay, waa ka aynu ku nahay xisbiga KULMIYE iyo bulshayntiisa oo iskaashaday,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.
Waxa kaloo uu wax ka tilmaamay ballanqaadyada uu ku dhaqmi doono haddii loo doorto talada dalka, waxaannu yidhi, “Aniga waxa la iga qorayaa markaynu doorashada ku soo baxno haddii Alle yidhaa oo aan ku dhaqmayaa barmaamijka xisbiga, sidii uu ugu dhaqmay Axmed Siilaanyo barmaamijkii lagu doortay, haddana barmaamijkii dib baa loo habeeyey oo wixii innaga horreeyey ee hawlo ahaa waa la saxay, waxa kaloo aan ballanqaadayaa in aynu dadka talo-wadaag yeelanno KULMIYE oo dhan, in dalka bari iyo galbeed si caddaalad ah oo siman looga shaqeeyo oo cid walba xuquuqdeeda la siiyo.” 
COMMENTS
|
-
TALO DOORASHO – Qalinka: Muuse Jaambiir
Mar kale; Somaliland doorasho muddaysneyd ayaa waqtigeedii dib uga dhacaysa. Mar kale sii jirista g...
Monday, April 6, 2026
-
Macasalaamaynta Mooge iyo Dhacdooyinka Uu Ka Tegay !WQ: Rabiile Cabdillaahi Jaamac
Markii uu xilka Maayarnimo ee caasimadda Hargeysa qabtay Maayor Cabdikariim Axmed Mooge, waxa uu la...
Monday, March 30, 2026
-
Xakamaynta Dhibka Abaaraha iyo Daadka is-xiga! WQ: Foodcadde Cawil
Maareyn Joogto ah, ma aha Gurmadka Kumeel gaadhk ahiDalkeennu wuxuu muddo dheer ku jiray xaalad ...
Monday, March 30, 2026
-
𝐂𝐀𝐒𝐇𝐀𝐑 baa la inoo dhigay an ku 𝐂𝐈𝐁𝐑𝐎 𝐐𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍𝐎. WQ: Maxamed Cali Bile
Wixii ku soo maray cashar ayaa laga bartaa si aanay mar labaad kuugu dhicin. 12 sanadood ka hor aya...
Tuesday, December 23, 2025
-
Yaa daaha dabadiisa ka murmaya? Qore: Dr-Abdulqani Hussein Beder
Maqaalkani waxa uu jihaynayaa hab dhaqanka waalidka ee fahamka ilmihiisa iyo fahamka macallinka ee ...
Thursday, October 23, 2025
-
“𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐋𝐚’𝐚𝐚𝐧𝐢 𝐖𝐚𝐚 𝐈𝐟𝐭𝐢𝐢𝐧 𝐋𝐚’𝐚𝐚𝐧” 𝙌𝙖𝙡𝙞𝙣𝙠𝙞𝙞: 𝙈𝙖𝙭𝙖𝙢𝙚𝙙 𝙔𝙪𝙪𝙨𝙪𝙛 𝘽𝙞𝙙𝙝𝙞𝙞𝙙𝙝 𝘽𝙖𝙙𝙙𝙖.
"𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐋𝐚'𝐚𝐚𝐧𝐢 𝐖𝐚𝐚 𝐈𝐟𝐭𝐢𝐢𝐧 𝐋𝐚'𝐚...
Thursday, October 9, 2025
-
Deeqsigii Degmada Xaaxi ee Hashii keliya ee uu lahaa u qalay Wasiirrada Somaliland!
Tuulada Xaaxi oo hoos tagta Gobolka Daad-madheedh ee Ood-weyne ayaa dadka halkaas ku nool oo ah dad...
Monday, November 9, 2020
-
Doorka Goleyaasha Deegaanka ee Abuurista Adeeg Bulsho oo Hufan. WQ: Axmed Nuur Muuse
Hordhac:
Jamhuuriyadda Somaliland (JSL) waa dalka qudha ee ku yaalla Geeska Afrika ee ay doorash...
Friday, November 6, 2020
-
WAHSIGA. WQ: Ciise Maxamuud Geelle (Ciise Waddani)
Anas Ibnu Malik Waxa uu Nabiga kasoo maqlay s.c.w ducadan:- "Allow waxan kaa magan galay walwalka/w...
Sunday, November 1, 2020
-
Maxaa Ka Khaldan Injineerada Dhismaha Mise Qandaraasleyaasha Kham-khama? WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Markii iigu horaysay waxaan bookhday laba dhisme oo waaweyn oo dhawaan loo dhisay laba hay...
Monday, October 12, 2020
-
Cibaadada fekerka/fikirka. WQ: Ciise Waddani
“Waa kuwa ilaahay xusaya iyagoo taagan, iyagoo fadhiya, iyo iyagoo jiifa, kana fekeraya abuuridda...
Tuesday, July 21, 2020
-
Baryadda Alle. Qalinkii: Hal-abuur Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
“Rabbigiin wuxu idin leeyahay I barya waan idinka aqbaliye, kuwa iska weyneynaya cibaadadeyda wax...
Monday, February 24, 2020
-
Mareykan iyo Iiraan: Laba Abeeso Oo dhiiggayga Jaqaayey, Maanta Ma Is Cunayaan? WQ: Dr. Abdulqani Hussein Badder
Labadii u heshiiyey burburinta muslimka sunniga ah, labadii
Ciraaq, dilay ee deldelay Saddaam Xusee...
Thursday, February 6, 2020
-
Fahanka Wakhtiga iyo fariinta waayaha. WQ: Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
Muddada jiritaanka jidhka basharka iyo nagaanshaha ruuxdu xilliga uu gaadho ayaa laba siyood u muuq...
Thursday, January 23, 2020
-
Guushu Waa Garashada Iyo Garowshiiyaha| Sicirbararka iyo Qiima dhaca Shilinka| WQ: Dr. Cabdiqani Beder
Sababta ugu weyn ee qiima dhaca shilinka Soomaaliland loo xakamayn kari la’yahay waa fahamka gurr...
Tuesday, January 14, 2020
-
Waxa uu go’aansaday in uu is dilo! WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen “Beder”
"Waxa aan ku daalay noloshii, ixtiraamna kuma haysto halkan, cid i daryeeshana ma haysto, sidaa awg...
Tuesday, January 14, 2020
-
Qorshaynta Mustaqbalka fog. WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen Muxammed (Beder)
Qofka Muslimka ahi waa qof aragti dheer oo ogaanshihiisu
ka tallowsan yahay waxa muuqda.
Culuumt...
Friday, December 20, 2019
-
Sidee loo dhisi karaa Somaliland la wada leeyahay? WQ: Mustafe Ismail Bulaale (Mustafe Dawlad)
“Ninku yidhi sinaan mayno
adna buri sarayntiisa
sedka waad wadaagtaane
ma sagaashan baa ...
Friday, December 20, 2019
-
Hadallada Nacaybku Miyay Ka Mid Yihiin Xorriyadda Hadalka. WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Qodobka 32-aad ee dastuurka JSL wuxuu u dhigan yahay in Muwaadin kasta uu xor u yahay in uu rayigii...
Sunday, November 10, 2019
-
Xabag-Barsheed: Xiddiga Diiwaannada Laga Qoray Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. WQ: Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
Waxa 28kii Feb 2019ka gacantayda soo galay Diiwaanka Xabag-Barsheed: Miisaanka Maansada S...
Wednesday, April 10, 2019
-
Af Soomaaliga: Marxaladda Maanta Iyo Jiritaankiisa Mustaqbalka. WQ: Khaalid Bulshaawi
Marxalado kala duwan iyo dadaalo is Xigay oo muddo dheer
soo socday Ugu danbayn sanadkii 1972 kii a...
Thursday, February 14, 2019
-
Adiga Ayaan Kuu Shaqeeyaa! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Hadda
ayuu kasoo galay shaqo iyo shirar qaatay saacado dhawr ah, oo uu la galay qaar
ka mid ah Goli...
Thursday, February 14, 2019
-
Balaayo Loo Baahan Yahay! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Maalin wanaagsan, muddo kooban oo laba bilood ku siman 04-Dec – 04- Feb ayaan halkan (Facebook) k...
Tuesday, February 5, 2019
-
Abwaan Dheeg iyo Buugga “Dhaxal Abwaan”. WQ: Faysal Jaamac
Weedho
ugu danbayn lahaa aan soo horreysiiyo: ‘Taariikh-suugaaneedka Abwaan Dheeg waa
daaqad ...
Sunday, January 13, 2019
-
Waa Maxay Dawladdi?
In
ka badan 3 boqol oo sanno kahor dhalashadii Ciise (cs) Philip II kalsoonaa buu
ku qabay qabs...
Sunday, January 13, 2019
More Wararka
|