Garabka Uu Hogaamiyo Musharax Jamaal Cali Xuseen Oo Wada Hadal La Furay Xisbiyada Kulmiye iyo Wadani
November 14, 2016 - Written by

Garabka aqlabiyada Xisbiga Ucid ee uu hogaaminayo Musharax jamaal cali xuseen ayaa wada hadalo hordhac ah la furay Labada Xisbi ee WADDANI IYO KULMIYE, Maadaama waxa na horyaala ay yihiin labadan Xisbi oo kaliya, waxa khasab nagu ah inaanu qolo walba eegno qorshahooda, Cidna uma xidhnin balse kii aanu u aragno in dantu ku jirto ayaanu xoojin doonaa kadib markaanu la tashano masuuliyiinta iyo dhamaan taageerayaasha gudaha iyo dibadaba ee garabka Jamal Cali Xuseen. Ilaa imika ma jiro cid aanu si gaara ah wax ula wadnaa wararka suuquna waa dacaayadahii awalba jiray waxna kama jiraan.

Runtii Wada hadaladu way ka culusaanayaan sidii hore waayo Xisbi dhan ayaanu nahay oo leh Xildhibaanadiisii Golayaasha deegaanka dalka ilaa dhowr iyo sodon ay ku jiraan Maayarada ugu badan dalka iyo Xildhibaanadiisii baarlamaanka Labada sidoo kale cudud iyo taageerayaal dalka iyo dibadaba ah loo dhan yahay. Isbadal ayaanu dalkan la doonaynay balse waxa nalagu qaaday dagaal siyaasadeed oo awoodkii xukuumada iyo sharcigiiba naloo adeegsaday shacabkii somaliland ay ka aamuseen dulmiga iyo cadaalad darada dhacday ee aan la doonayn wax Isbadal oo dalka ka dhaca.

Talaabada aanu qaadi doonaa waxaanu rajaynaynaa inay noqoto mid badbaadisa somaliland.

By. Mohamed Gacayte

COMMENTS