Xeeladaha Dumarka lagula Dhaqmo, W/Q: Cali Cabdi Coomay
November 16, 2016 - Written by

Gabadhu waa inay ka feejignaataa khiyaamooyinka ay kula kacaan ragga qaarkii. Iyagoo isticmaalaya erayo ama hadalo macaan oo aan dhaafsanayn afka baarkiisa

Gabadh kasta waxa ay xaq u leedahay in ay doorato ninka ay doonto.

Waana shay cadaalada ka fog in lagu khasbo cid aanay rabin.
Gabdhuhu ama habluhu waxa ay soo maraan heerar kale duwan, marka laga eego xagga daโ€™da. Inta u dhexayso 15 jir ilaa 20 jirka, habluhu intooda badan raggu waa isugu mid. Waana xilliga ay gabadha ku adag tahay habka xulashadu. Waxayna u baahan tahay in si joogta ah tallooyin la siiyo. Si ayna ugu dhicin booraan. Laakiin marka la gaadho 20 iyo wixii ka weyn waxa ay fikrad buuxda ka haystaa habka ay u xulan lahayd ninkii ay nolasheeda ku aamini lahayd.

Gabadhu waa inay ka
feejignaataa khiyaamooyinka ay kula kacaan ragga qaarkii. Iyagoo isticmaalaya erayo ama hadalo macaan oo aan dhaafsanayn afka baarkiisa. Waa in ay iska shaandhayso, balanqaadyada ay soo qadimaan raggu, iyagoo doonaya
inay fushadaan ujeedooyin qarsoon. Waa inay noqotaa gabadh fiiro badan oo aan si fudud loo duufsan Karin.

 

Hadalada Dumarka lagu soo jiito
= markaan ku arko ayaan farxad kala qaboobaa.
= muxu ilaahay kugu manaystay qurux, caqli iyo garasho.
= ma qof la iloobi karo ayaad tahay.
=mar kasta xusuustayda kama baxdid
= waxaad tahay gabadh dhamaystiran, dhinac kasta.
Markay gabadhu maqasho erayadaa ama qaar u dhigma way ku raaxaysanysaa, ka dibna waxay gabadhii ku beermaya jacyl xad-dhaaf ah.
Waxyaabaha habluhu ku raacaan ragga.
1) Lacag

2) Diin
3) Aqoon
4) Qurux
5) Aftahnimo
6) Madaxnimo
7) Dabeecad wanaagsan

 

Calaamadaha dumarka wax jecel
= waxaynu soo qaadan doonaa calaamadaha ugu caansan.
= waxay la soo baxaysaa xishood aad u badan
= waxay jeceshahay inay mar kasta kul joogto
= waxaad ku arkaysaa shaki badanm oo ay kaaga shakiyayso inay gabadh kale kaa
qaado. Laakiin shakigaasi maaha kii xumaanta ahaa, ee waa jacyl xadkiisii
dhaafay.
= is qurxin xad dhaaf ah, oo ay ninka ku soo jiidanayso.
= waxay ku halmaantaa magaciisa, markay sheekaynayso.
= waxay la soo baxaysaa inay markasta garaacdo tilifoonkaaga,si ay u maqasho
hadalkaaga,

Maxay dumarku qiimeeyaan?
1)ย Jacylka.
2) Quruxda.
3) Heesaha (kuwa dareenkooda khuseeya).
4) Xafladaha.
5) Labiska ( dhar xidhashada).

Noocyada dumarka ee raggu neceb yahay.
= gabadha carrabka dheer, ee meelkasta hadal iyo doodd la taagan.
= gabadha ninkeeda meel kasta ku cidhiidhada, ee ka garab hadasha. Marna aan
tixgalin hadalkiisa.
= gabadha doonta inay ninkeeda ka sarrayso ama u taliso. Wax kastuu soo jeediyo
ku gacansaydha.
= gabadha ninka reerkiisa iyo saaxiibadii ka caydhisa gurigeeda.
= gabadha markasta ninkeeda ka codsata lacag dheeraad ah, oo ka baxsan tan
gurigeed ku filan.
Waxyaabaha dumarka lagaga farxiyo.
=ย in la amaano.
=in loo keeno hadiyado kala duwan.
= in goor kasta loo muujiyo in la jecel yahay.
= in markay hadlayso, loo dhago nuglaado.
= in la caawiyo markay hawl hayso.
= in laga ilaaliyo hadalada qallafsan.
= in loo muujiyo ixtiraam badan.
= in loo garaabo sax ama khalad
=in laga ogolaado in loo raaco suuqa (shopping)

Noocyada dumarka ee raggu jecel yahay
= gabadha furfuran, ee inta badan aan qaylo iyo hadalo xun ragga ku odhan.
=gabadha mar kasta is qurxisa. Gurigeedana qurxisa.
=gabadha tallada ninkeeda uga dambaysa.
=gabadha ninkeeda aaminta, wuxuu u sheego maqasha.
=gabadha dhawrta ninka ehelkiisa iyo saaxiibadii.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.

ย Calicoomay@hotmail.com

F.G= Fadlan dhinaca fiican u adeegso hadalladan.

 

 

COMMENTS