Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab Oo Sheegay inay sii wadayaan weerarada ay la beegsanayaan Maamul Goboleedka Puntland.
August 23, 2016 - Written by

Gaalkacyo(GLN)_Afhayeenka  Kooxda Al-Shabaab Cali Dheere ayaa markii ugu Horeysay ka hadlay  weeraradii is-miidaaminta ah ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo  kaasoo ay ku dhinteen  dad tiro badani.

Afhayeen Cali dheer  oo la hadlayay warbaahinta ku hadasha afka kooxda  Shabaab ayaa sheegay in khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba iyo bur bur hantiyadeed uu ka dhashay weerarkaas.

“Camaliyadaas ka dhacday Gaalkacyo waxaa khasaare fara badan ku gaarsiinay cadawga, waxaa la beegsaday halkii loogu tala galay iyo meelihii ay ku aruursanaayeen, dhimashada aad bey u badan tahay 30 illaa 40 u dhaxeysaa, waxaa bur buray daartii shirqoolada lagu maleegayay”ayuu yidhi Cali Dheere  .

Afhayeenka kooxda  Al-Shabaab cali dheere ayaa sheegay in maamul goboleedka  Puntland ay yihiin col u taagan dadka ahlu diinta iyo gacmo gaalo, isla markaana  ay qaatan awaamiirta Itoobiya sida uu Hadalka u dhigay.

Cali dheere ayaa  hanjabay u jeediyey  maamulka Goboleedka puntland   isaga oo sheegay inay sii wadayaan weerarada iyo howl galada ay ka geysanayaan deegaanada Puntland.

In ka badan 22 Qf ayaa ku dhintay labo weerar is qarxin ahaa, kuwaasoo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana inta badan dadka ku dhintay weerarkaas ahaayeen dad rayid ah oo ku ganacsanayay suuqa dayax oo ay ku taalo xarunta dowladda Hoose

Ee magalada Gaalkacyo.

Abdihakin Mohamed Hassan Qibro

www.Gacanlibaaxnews.com

Hargeysa/Office

COMMENTS