Muse Biixi Waa Tabtii Badhsaabkii Burco Ee Abaartii Daba-Dheer Odhan Jiray Khadraa Ku Riday By Abdi Mustafe
November 18, 2016 - Written by

Dowlad buura ah baa la ahaa oo wixii gobolka lala qaban karayay waa lala qabtay oo xitaa baabuurta cididanka ayaa la hawl

Abaartii daba-dheer ee 1974 ayaa Burco loo soo bedelay Badhasaab ka soo jeeda Majeer-teeniya. Dabeed iyadoo gobolka togdheer xoolihi abaari ka leeftay oo dadku dhimasho ku dhowyay ayuu isaguna daawan jiray ciyaarta kolayga ee habluhu ciyaaraan.

Badha-saabku wuxuu aad u xiisayn jiray inan la odhan jiray Khadra ciyaar teeda oo xariifad ahayd. Mar waloo ay gool dhalisaba inta uu istaago ayuu odhan jiray Khadraa ku riday. Wuxuu mashquul ciyaaraha ku ahaada ba waxa dhacday in Ismail Cali Abokor safar gaadhiya kaga soo baxay Mogadishu ilaa Burco. Ismail wuxuu la yaabay xoolaha madhay ee wadada hareera daadsan iyo diifta dadka haysa iyo abaarta iyo haraadka. gobalka togdheer yaala.
Wuxuu kaloo ogaaday markuu Burcao soo gaadhay in aan Badhasaab kuba ka war qabin abaarta xoolihii madhisay ileyn waa nin habeen oo dhan haya Khadraa ku riday e. Markiiba Ismail wuxuu toos uula hadlay Siyad barre wuxuuna u sheegay in gobolka lagu madhay badha-saab kuna aannu ka warqabin.

Dowlad buura ah baa la ahaa oo wixii gobolka lala qaban karayay waa lala qabtay oo xitaa baabuurta cididanka ayaa la hawl geliyey badhasaab kiina far iyo suul baa lagu qaaday.

Waxaan sheekadan uuga socdaa Muse biixi na ciyaaruu la daawanayay wasiiro khasaare iyaguna ah borama na xafladuu ku qabanay ilaa maanta gobolkii Barina abaar baahsan baa ka jirta oo maba oga sidaa badha-saab kaa odhan jiray Khadraa ku riday. Mida kale Muse Biixi isaga oo ama Mohamed Kahin ama Silaanyo ku daba gabada mooyaane Bari ma tago oo wuu ka baqaa.

Bal weligiin arka Muse oo keligii Togdheer u baxa isagoo cid ku dhuunta mooyaane. Musow ciyaaraha iska daawo oo adna waxaad tidhaa Amaal baa ku riday iyo Fowzi baa dhaliyey.

Abmustafe123@gmail.com

 

 

COMMENTS