Ciidamada Milatariga Dalka Nigeria ayaa Sheegay in ay Dileen Hogaamiyayaal ka Tirsan Boko Xaraam.
August 23, 2016 - Written by

Hargeysa(GLN)_Wararka ka imanaya Dalka Nigeria ayaa sheegayaa in ciidamada milatariga Negeria ay weeraro diyaaraded ku  dileen Dhowr ka mid ah madaxda Boko Xaraam Waqooyiga Waddankaasi.

Afhayeenka ciidamada ayaa sheegay, in hogaamiyaha  kooxda, Abubakar Shekau, ayaa ka mid ahaa dadka ku dhaawacmay weerarka kaymaha Sambisa ee Jimcihii dhacay.

Ciidamada Nigeria ayaa hore u sheegay dhimashada hogaamiyaha Boko Xaraam dhowr jeer.

Warka ka soo baxay milatariga Nigeria ee weerarka, ayaa lagu tilmaamay mid aan horay loo arkag, wuxuuna ku soo beegmay booqashada xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka John Kerry uu ku joogo  Dalka Nigeria.

Sources;Bbsomali

Abdihakin Mohamed Hassan Qibro

WWW.Gacanlibaaxnews.com

Hargeysa/Office

COMMENTS