Xukumada Dalka Turkiga Oo shaqada ka eryay 15000 Oo Qof.
November 22, 2016 - Written by

Xukumada Dalkaย  Turkiga ayaa shaqada ka eriday 15000 oo Qof oo isugu jira booliis iyo shaqaale dawladeed arrintaas oo la xiriirta afgambigii dhicisoobay ee bishii July ka dhacay dalka Turkiga.

Xukumada waxaa kale oo ay albaabada u laabtay sagaal warbaahin oo hor leh, sideed iyo toban hay’ado gargaar iyo in kabadan shan boqol oo urur.

Saddexdii bilood ee u dambeeyay waxaa sidoo kale meesha laga saaray tobanaan kun oo ruux oo taageersanaa Fethullah Gulen, kuwaas oo madaxwayne Recep Tayyip Erdogan uu ku eedeeyay in ay maleegeen afgambigaas.

COMMENTS