Xisbiga WADDANI oo Wasiirka Caddaaladda u gudbiyey Codsi Kormeer Xabsiyada Dalka
November 30, 2016 - Written by
Ku:Wasiirka Cadaalada JSL                                                                                                     30/11/2016
Og:Komishanka xuquuqal insaanka Qaranka
Og:Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

Ujeedo:Codsi Kor-Meer Jeelasha Dalka

Mudane: Wasiir

Ka dib markii aanu aragnay war-bixintii hay’adda Amnesty intranation, ka soo saartay qaar kamid ah xabsiyada dalka , annaga oo ka war-qabna dhacdooyinkii is-dabajooga ahaa ee ay ku jiraan dhimashadu dhawaan ka dhacday xabsiyada dalka, annagoo tix-gelin u hayna hawsha aad qaranka u hayso,waxaanu si milgo iyo maamuus leh kaaga codsanaynaa in aad noo ogolaato in aanu soo kormeerno muwaadiniinta maxaabiista ah ee xoriyaddooda laga qaaday ee ku jira jeelasha dalka, gaar ahaana magaalooyinkan

1)- Boorama

2)-Gabiley

3)-Hargeysa

4)-Berbera

5). Laascanood

6). Iyo Ceeriogaabo

Si aanu wax uga ogaanno xaalada dhabta ah ee ay ku suganyihiin muwaadiniintaasi iyo sababaha keenaya dhibaatooyinka dhiilada leh ee ka soo noqnoqanaya Xabsiyada.

Waxaanu ku rajo-weynahay in aad noo ogolaato codsiga kor-meerkayagaas

Wabilaahi Tawfiiq

Barkhad Jaamac Batuun

Xoghayaha Cadaalada Xisbiga WADDANI

bbb

COMMENTS