Mucaaradka Waddanka Suuriya ayaa la wareegay magaalada Jarablus oo u dhow xadka Dalka Turkiga.
August 25, 2016 - Written by

Hargeysa(GLN)_Wararka ka imanay waddanka suuriya ayaa sheegayaa in Mucaaradka Suuriya oo taageero ka helaya Milateriga Turkiga ayaa la wareegay magaalada Jarablus oo ku dhow xadka Suuriya, iyadoo taangiyada Turkiga ay ka tallaabeen xuduuda, kadib howl gal ka dhan ah kooxda isugu yeedhay dowladda Islaamiga ee IS.

Howl galkan ayaa bilowday kadib markii diyaaradaha dagaalka Turkiga ay duqeeyeen goobaha ay gacanta ku hayaan IS ee agagaarka magaalada Jarablus.

Xooggaga IS ayaa dib u gurasho ka sameeyay magaalada, markii culeys milateri uu kaga yimid Mucaaradka Suuriya iyo Milateriga Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku dhawaaqay howl gal ka dhan ah IS deegaanada ay gacanta ku hayaan ee ku dhow xuduudaย  Waddanka Turkiga.

Waxaa uu sheegay in mucaaradka Suuriya ay la wareegeen Jarablus, si ay uga dhigaan goob ammaan ah.

Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka Joe Biden oo booqasho ku jooga Turkiga ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay kor kala socdeen howl galka.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii weerar is qarxin ah oo lagu qaaday xaflad aroos magaalada Gaziantep ay ku dhinteen 5o qof, dowladda Turkiga ayaa ku eedeysay Kooxda IS inay ka dambeysay weerarkaas.

tankstaangiyotaangiyo1

COMMENTS