Marxuum Maxamed Cali Samatar oo maanta lagu aasay magaalada Muqdisho (Sawirro)
August 25, 2016 - Written by

Muqdisho(GLN)_Allaha u naxariistee waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho Gen Maxamed Cali Samatar oo xilal sare ka soo qabtay dowladdii Milateriga aheyd, iyadoo aaskiisa ay ka qeyb galeen Madaxda ugu sare dowladda, maamul goboleedyada, wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan iyo dadweyne kale.

Gen Maxamed Cali Samatar ayaa lagu aasay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo halkaasi lagula dukaday salaadii janaasada aheyd.

Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayaa ka mid ahaa madaxdii salaada janaasada kula dukaday meydka Gen Maxamed Cali Samatar.

Mas’uuliyiintii ka hadashay aaska ayaa ka hadlay taariikhdii Gen Maxamed Cali Samatar, waxaana ay tacsi u direen qoyskii, eheladiisa iyo umada Soomaaliyeed.

aas-samatar aas-samatar1 aas-samatar2 aas-samatar4 aas-samatar5

COMMENTS