Mid ka Mid ah Wasiiradii Uu Madaxweynaha Somaliland Magacaabay Oo ka Cudur Daartay Xilkii Loo Magacaabay Inuu Qabto.
December 4, 2016 - Written by

Wasiirka cusub ee madaxweyne Siilaanyo u magacaabay wasaarada cusub ee dhaqanka iyo dalxiiska somaliland Khadar Xaaji Yuusuf ย Cabdilaahi ayaa sheegay inuu iska casilay xilkaasi, isla markaana aanu diyaar u ahayn inuu qabto.

Khadar Xaaji Yuusuf oo shabakada Hadhwanaagnews wax ka waydiisay xilka loo magacaabay ayaa sheegay inaanu qabanayn xilkaas madaxweyne Siilaanyo u magacaabay ee wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska, waxaanu tilmaamay inaanu xilkaasi ahayn mid u qalma.

Khadar Xaaji Yuusuf ayaa si weyn u dhaliilay xilka madaxweyne Siilaanyo u magacaabay ee wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska, waxaanu tilmaamay inuu diyaar u yahay inuu qaranka u shaqeeyo balse aanu doonayn inuu qabto xilka wasaaradaasi cusub.

 

COMMENTS