|
Guddoomiye Xisbiga Waddani Oo Dhammbaal Tacsi Ah U Diray Siyaasi Weyn Oo Magalada Hargeysa Ku Geeriyooday.
December 4, 2016 - Written by
Guddoomiye Xisbiga Waddani Oo Dhammbaal Tacsi Ah U Diray Siyaasi Weyn Oo Magalada Hargeysa Ku Geeriyooday.Tacsida: Guddoomiye Cirro
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Guddoomiyaha aqalka Wakiilada Somaliland ahna musharax Madaxweyne ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro,isagoo ku haddlay magaciisa ka mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland iyo ka Xisbiga WADDANI wuu dhammabaal Tacsi ah u dirrayaa siyaasiyiinta wax-garadka aqoonyahayn asxaabtii eheladii qaraabadii qoyskii iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland ,isagoo ka tacsiyadanaya geeridii ku timiย Marxuum Axmed Aadan Cali “Goodirโoo Xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa 04/12/2016. Musharax Dr C/raxmaan Cirro ayaa marxuumka ku sifeeyey inuu ahaa marxuumku halyey dalkiisa iyo dadkiisa jecel ,isla markaana ku dhaata Somaliland-nimada,isagoo ahaa xubnihii ugu horeeyey ee guddigii ugu haraysa ee doorashooyinka qaranka Somaliland uu yeesho, waxa kale uu ahaa siyaasi rug cadaa ah ย oo door weyn ka soo qaatay xaaladii siyaasadeed ee dalka, waxaanu hadda hayey marxuumku xilka La-taliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee arimaha dowladaha hoose. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Waaxda War-faafinta Xisbiga WADDANI Xafiiska Hargeysa
COMMENTS
|
|
||