Wiil Soomaali Ah Oo Da’diisu Jirtay 14 Sano Oo Lagu Dilay Dalka Norway
December 7, 2016 - Written by

Kristiansand (GLN)- Wiil Soomaali ah oo da’diiu ahayd 14 jir lana odhan jiray Yacquub Cabdillaahi Xasan, ayaa gelinkii dambe ee isniintii todobaadkan lagu dilay magaalada Kristiansand ee dalka Norway. Waxaana wiilka lala dilay gabadh Norway u dhalay oo si kediso ah ula kulantay wiilka oo la dilayo, sida ay boolisku sheegeen.

zzhh7y9r

Wararkii ugu dambeeyey ee gacanlibaaxnews.con heshay, ayaa sheegaya in xalay boolisku qabteen qofkii dilka gaystay, iyagoo sheegay inuu ahaa wiil Norway u dhashay oo da’ ahaan jiray 15 sano.

Booliska oo sheegay inay baadhayaan sababkii uu wiilku u dilay wiilka Soomaaliga ah, isla markaana ay waraysanayaan isaga oo wiilidkiisaba ayaa waxa kale oo ay sheegeen in wiil dilka gaystay lagu samaynayo baadhitaan caafimaad oo xagga maskaxda ah. Waxaana ay si hor dhac ah u sheegeen in aanu maskax ahaan caadi ahayn.

15419479_1266951390046276_1601470892_o

Gabadha uu wiilka la dilay oo da’ ahaan jirtay 48 lana odhan iray Tone Ilebekk, ayaa boolisku sheegeen inay si keddis ah ugu soo baxday markii dilku dhacayay, sidaas na uu ku dilay.

Waxa kale oo wararka ay Gacanlibaaxnews.com heshay sheegayaan in boolisku ay maanta sheegeen inay samaynayaan baadhitaan xeel dheer oo ku saaban sababta dhabta ah ee dilka ka dambaysay, in labada wiil ay hore wax u dhex mareen iyo kale.

htd0z8yx

Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ku nool magaalada Kristiansand Maxamed Dalmar Shirwac ayaa Gacanlibaaxnews u sheegay in dhacdadan ay si weyn uga naxeen, isla markaana ay tahay dhacdo oo ka naxeen dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Norway.

15409929_1266951126712969_1124486273_o

Waxa kale oo ay dhacdadu saamayn ku yeelatay dadka aan Soomaalida ahayn ee ku nool magaaladaa Kristiansand oo muujiyey inay ka xun yihiin dilkaa, iyadoo dugsigii uu Yacquub dhigan jiray na calanka hoos lood dhigay, isla markaana ardaydii fasax kooban la geliyey.

Wixii warar dheeraad ah ee ka soo baxa dhaabitaanka ay boolisku wadaan kala socda shabakadda Gacanlibaaxnews.com

15397670_1266951280046287_628354011_o 15409422_1266951470046268_1696708946_o exkrxhok

Gacanlibaaxnews.com

Oslo, Office

COMMENTS