Ilhaan Cumar Oo ka Tirsan Xildhibaanada Gobolka Minnosota Ee Dalka Maraykanka Oo Nin Tagsiile ah Kala Kulan Tay Hanjabaad.
December 8, 2016 - Written by

Ilhan Cumar  oo ah gabadha kaliya  ee Somaliga ah  ee ku guuleysatay  inay kamid noqoto aqalka  xildhibaanimada mareykanka ee Gobolka Minnosota  ayaa sheegtay  inay kala kulantay  caga juglayn nin  watay Taxi, wakhti ay ka soo baxday   tababar uga socday  Aqalka  Cad ee Mareykanka.

Ilhan Cumar waxa ay sheegtay  inuu ugu hanajabay nin ka darawalka ahi ay  bixiso Xijab ka  ay xidhineyd, waxay sidoo kale  sheegtay inuu kula kacay ereyo  ay ka buuxan nacayb uu u qabo Muslimka.

Dhacdadan ayaa  dhacday mar ay kasoo baxday tababar  ay ku soo qaadatay Aqalka  Cad ee Mareykanka . Hadalkan oo ay soo dhigtay barteeda Facebook ayaa u qornaa sidan

 

ilhaan909

 

 

COMMENTS