Doorashada Soomaaliya oo mar kale dib loo dhigay
December 9, 2016 - Written by

Shirka madasha wadatashiga oo socday laba maalmood ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

ย Shirka Madasha wadatashiga

Shirkan waxaa ka qayb galay madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Madaxda madasha wada-tashiga qaran ayaa isku afgartay xilliga rasmiga ah ee ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha iyo guddoonka Baarlamaanka.

Go’aanada shirka ka soo baxay waxaa ka mid ah

In xildhibaanada Baarlamaanka la dhaariyo 15-ka December.

In Gudoomiyaha Baarlamaanka la doorto 22-ka December

In Doorashada Madaxweynaha ay dhacdo 28December.

Waa markii sadexaad oo doorashada Soomaaliya dib loo dhigo.

COMMENTS