Muniir Axmed Cigaal Oo Xukumadda Somaliland Xorriyadisii Dib Ugu Soo Celisay Iyo Muniir Oo Ka Haddlay Xadhiga Lagula Kacay.
December 9, 2016 - Written by

 Muniir Axmed Cigaal Oo Xukumadda Somaliland Xorriyadisii Dib Ugu Soo Celisay Iyo Muniir Oo Ka Haddlay Xadhiga Lagula Kacay.

Hargeysa (GLN) Xukuumadda Somaliland ayaa xalay xorriyadiisi dib ugu soo celisay Muniir Axmed Cigaal oo kamid ah saraakiisha Xisbiga WADDANI,kaasi oo muddo sided cisho ah si sharci darro ah ugu xidhnaa Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa.

Siyaasi Muniir oo khamistii horre xabisga la dhigay ayaa xalay dib ay helaya xorriyadaiisi, kadib markii ay maxakamaddu amartay maalintii shalay in loo celiyo xorriyadiisii maataama aan wax denbi ah lagu haysan siyaasigan.

Dhanka kalena Siyaasi muniir ayaa bogo uu ku leeyahay Face-buuga ku shaaciyey qoraal kooban oo ugu mahadnaqayo bulshada reer Somaliland gudo iyo debad-ba,kaasi uu u dhignaa sidan:- Asalaamu Calaykum. Ummadda reer Somaliland gude iyo debadba waan idin salamay . Alxamdu Lillaahi goor dhawayd ayaan ka soo baxay Xabsigii aan ku jiray 8-casho. Kadib markii maanta Maxkamadda Gobolka Hargaysa oo kaa shanaysa Maxkamadda sare iyo xeer ilaalinta Qaranku amartay in xorriyadaydii lay soo celiyo”Ayuu yidhi Muniir

Waxaanu intaasi ku sii daray”Wixii danbe dib ayaynu ka soo xidhiidhin. Mahad naqa dad gaara kuma koobi karo. Dhammaan ummaddayda Somaliland waan idin jeclahay alle haydin dhawro . Guul iyo Gobonimo.” Ayuu ku soo koobay haddalkiis Siyaasi Muniir

COMMENTS