Sacuudiga Oo Hakiyey Xoolihii Uga Imanayey Soomaalida – oo ay Somaliland ku jirto
December 9, 2016 - Written by

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli meelo badan oo dhulka Soomaalida ay ka jiraan abaaro ba’an oo saamayn ku yeeshay dad iyo xoolo

Qaar ka mida ganacsatada Xoolaha ee ku sugan magaalada Jeddah ayaa VOA la wadaagay qoraal ay sheegeen inuu ka soo baxay Wasaradda Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha ee Sucuudiga, kaas oo sheegayey in si ku-meel gaadh ah loo hakiyey Xoolihii Soomaalida ee dalkaas tegayey.

Nuux Daahir Camuud oo ku sugan magaalada Jedda ayaa sheegay in amarkan ka soo baxay Sucuudiga loo qaybiyey qaar ka mida ganacsatada xoolaha isla markaana amar lagu siiyey in la hakiyo xoolaha iyada oo loo sababeeyey arrimo dhinaca caafimaadka ah.

Go’aankan ay ganacsatada Soomaalidu sheegtay in dawladda Sucuudiga uu ka soo baxay, illaa haatan may xaqiijinin dawladda Soomaaliya, dawladda Sucuudiga iyo Somaliland midna, inkasta oo saraakiil Soomaali ah oo aan la hadalnay ay VOA u
sheegeen inay maqleen warkan hase ahaatee ay mar dambe ka hadli doonaan.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli meelo badan oo dhulka Soomaalida ee xooluhu ka yimaadaan ay ka jiraan abaaro ba’an oo saamayn ku yeeshay nolosha dad iyo xoolo, haddiiba tallaabadani sidaas u dhaqan gashona waxay sii adkaynaysaa xaaladda bini’aadanimo ee dadka Soomaalida ee ku tiirsan xoolaha, taas oo madaxda Soomaalida iyo hay’adaha Caalamiga ahiga ay baaqyo ka soo saareen abaar baahsan in gurmad laga galo.

Ismaaciil Xuseen Farjar oo ka tirsan idaacada VOAda ayaa khadka telefoonka ku waraystay Nuux Daahir Camuud.

 

COMMENTS