Hogaamiyaha mucaaradka ah Ee Dalka Ghana Oo ku guuleystay doorashada Madaxweynanimada Ee Waddankaasi.
December 10, 2016 - Written by

Hogaamiyaha mucaaradka Ghana, Nana Akufo-Addo ayaa ku guuleystay doorashada Madaxweynanimo ee ka dhacday dalkaasi. Doorashadaasi ayaa ahayd mid adag oo aad la isugu dhowaa

Kadib markii natiijada doorashadda lagu dhawaaqay ayaa tageerayasha Mr Akufo-Addo waxa ay isugu soo baxeen wadooyinka caasimada Accra si ay u dabaaldegaan.

ย 
Hogaamiyaha Mucaaradka Nana Akufo Addo

Madaxweynaha la doortay Mr Akufo-Addo ayaa balanqaaday waxbarasho lacag la’aan ah oo dugsiyada sare ah iyo warshado faro badan oo uu dalka ka hergelin doono. Balse dadka wax naqdiya ayaa suaal ka keenay hamigiisa.

Ghana waxay muddo badanba ahayd dal dimuqraadi ah oo xisbiyo badan ay ka dhisan yihiin .

COMMENTS