Madaxweynaha dalka Gambia ee doorashada looga guulaystay Oo diiday natiijada Soo Baxday doorashada.
December 10, 2016 - Written by

Madaxweynaha dalka Gambia ee doorashada looga guulaystay Yahya Jammeh ayaa diiday oo ka noqday natiijada doorashada.

ย 
Yahya Jammeh,midig,waxaa doorashada kaga guuleystay, Adama Barrow, bidix

Madaxweyna Yahye Jammeh ayaa horay u ogolaaday natiijada codadkii soo baxay isagoo intaasi raaciyay inuu aqbalay guusha musharaxii la tartamayay.

Balse war uu xalay ka baahiyay telefishenka dowladdda ayuu ku sheegay inuusan xilka ka dagayna, waxuuna ku baaqaay in doorasho cusub la bilaabo.

COMMENTS