Xisbiga Kulmiye Oo Wada Hadal La Furay Garabka Uu Hogaaminayo Axmed Muumin Seed Ee Xisbiga Waddani
December 10, 2016 - Written by

Xisbiga Muxaafidka ah ee kulmiye ayaa maanta magaalada hargaysa wada hadal uga furmay garabka uu hogaaminayo Axmed Muumin Seed ee Toosinta iyo Cadaalada ee xisbiga waddani.

Kulankan oo lagu lafo gurayay sidii Garabka uu Hogaaminayo Axmed Muumin Seed uga mid noqon lahayeen xisbiga kulmiye ayaa kulankii ugu horeeyay maanta lays kula af gartay inuu sii socdo wada hadalku si looga midho dhaliyo.

Xog-hayaha Guud ee xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf Oo Maanta warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in wada hadalkii ugu horeeyay ee xisbiga kulmiye iyo garabka toosinta iyo cadaalada ee waddani uu furmay.

โ€œMaanta waxa noo Bilaabmay wada hadal xisbiga kulmiye


iyo garabka cadaalada ee xisbiga waddani ee uu hogaaminayo axmed muumin seed wada hadalkiina maanta si wanaagsan ayuu noogu dhamaaday kulankayaga danbane waxa uu noqonayaa maalinta isiniinta ee soo socota,waxaanan rajaynaynaa inaanu is af garad wanaagsan gaadhno.

Intaas waxa uu ku daray xog-hayaha guud ee xisbiga kulmiye xasan siciid isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.โ€Maanta wada hadalkii wuu noo Furmay uun waanan wada fadhiisanay waxaana uu wada hadalku si rasmi ah noogu furmi doonaana maalinta soo socota.

Dhinaca kale xog-hayihii garabka siyaasadda ee uu hogaaminayo guddoomiye axmed muumin seed oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkani yahay mid lagaga hadlayo sidii loo gaadhi lahaa is af garad waxaana uu yidhi.

โ€œRuntii wada hadalkaasi maanta ayuu furmay,waxaanan rajaynaynaa in maalinta isiniinta ah ee inagu soo fooda leh inuu kulankiisii 1aad uu qabsoomo,waxaanan rajaynaynaa inuu geedi socod fiican uu ku socon doono.

 

COMMENTS